Ganacsade Cusub Oo Sheegtay Inuu Leeyahay Guriga Muuse Biixi Ka Xayiray Ganacsade Jabuutaawi

0
Monday March 13, 2023 - 01:51:28 in News by Abdi Good
  • Visits: 2798
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ganacsade Cusub Oo Sheegtay Inuu Leeyahay Guriga Muuse Biixi Ka Xayiray Ganacsade Jabuutaawi

    Ganacsade Cusub Oo Sheegtay Inuu Leeyahay Guriga Muuse Biixi Ka Xayiray Ganacsade Jabuutaawi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ganacsade Cusub Oo Sheegtay Inuu Leeyahay Guriga Muuse Biixi Ka Xayiray Ganacsade Jabuutaawi
Ganacsade Maxamed Cabdilaahi Bookh oo aan hada khadka telefanka kula xidhiidhay ayaa ii xaqiijiyey inuu isagu leeyahay guriga ay xukuumada Somaliland sheegtay inay ka xayirtay ganacsade Maxamed Jabuutaawi.

Ganacsde Bookh ayaa ii sheegay inuu lix bilood ka hor gurigan ka iibsaday ganacsade Maxamed Jabuutaawi isla markaana uu hayo nootaayadii sharciga ahayd ee uu kula wareegay gurigaasi, isaga oo warqada xayiraada ahna ku macneeyey mid lagu doonayo in lagu abuuro buuq aan wax sharci ah ku fadhiyin.


Sidoo kale waxa ii sheegay inuu la xidhiidhay ganacsade Maxamed Jabuutaawi oo u sheegay inuu la yaabay warqadaas halka wasiirka hawlaha guudna ka qaban waayey telefanka.

Ganacsadahan ayaa sheegay in guriga madaxtooyada Laascaanood uu ganacsade Jabuutaawi ku wareejiyey xukuumadii Siilaanyo, isku badelka guryahaasna aanay waxba baaqi ka ahayn balse lagu kala baxay ka wakhtigii lala kala wareegay.

Ganacsade Maxamed Cabdilaahi Bookh ayaa ii sheegay inuu si degdeg ah warbaahinta ula hadli doono si uu u soo bandhigo dooda sharciga ah ee uu ku difaacanayo lahaanshaha gurigaas.
May be an image of 2 people

Loading...
Loading...