Dalka Sucuudiga Oo Joojiyay Xoolihii Uga Iman Jiray Somaliland & Sababta

0
Sunday March 12, 2023 - 18:37:30 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2355
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Dalka Sucuudiga Oo Joojiyay Xoolihii Uga Iman Jiray Somaliland & Sababta

    "Warqadan Sucuudigu ay dalbadeen ilaa imika kamay hadal Dawlada Somaliland"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Warqadan Sucuudigu ay dalbadeen ilaa imika kamay hadal Dawlada Somaliland"



Hargaysa (HWN) Dalka Sucudiga ayaa joojiyey Xoolihii uga iman jiray Somaliland, waxaana xoolahani lagu xidhay warqad lagasoo qaadanaayo Dawlada Somaliya.

 

Maraakiib xoolo ka raray dekeda Berbera ayaa ku xayiran Sucuudiga, kuwo kale oo dekeda Berbera taagan ayaa sidoo kale dawlada Sucuudigu ku wargalisay in aanay soo rarin xoolo aan sidan warqadaasi dawlada Somaliya, sida ay kusoo waramayaan wariye yaasha Berbera kusugan

 

Warqadan Sucuudigu ay dalbadeen ilaa imika kamay hadal Dawlada Somaliland ee uu hogaamiye Muuse Biixi, warqadan ayaana caqabad ku noqonaysa ganacsatada xoolaha ka dhoofisa Berbera, kuwaasi oo sheegay haddii arinkan  dawladu xalin waydo inay xoolahooda ka dhoofin doonaan dekadaha Somaliya si ay warqadaasi uhelaan


Loading...
Loading...