Ex. Wasiir Seed Oo Sheegay In Kulmiye Aanu Saaxada Siyaasada Ku Siijirayn & Sababta

0
Sunday March 12, 2023 - 18:05:57 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1079
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ex. Wasiir Seed Oo Sheegay In Kulmiye Aanu Saaxada Siyaasada Ku Siijirayn & Sababta

    "Waynu ogayn sida uu kulmiye ahaan jiray , taasaa kuu macalin noqonaysa"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waynu ogayn sida uu kulmiye ahaan jiray , taasaa kuu macalin noqonaysa"



Hargaysa (HWN) Wasiirkii hore ee Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed ayaa sheegay in taageeradii xisbiga Kulmiye hoos udhacday, sidaa daraadeedna aanu xisbigaasi siyaasada ku sii jirayn.

 

"Kulmiye, saaxada siyaasadda kuma sii jirayo wixii hadda ka dambeeya, waayo waxaa hoos u dhacay taageerayaashiisii, Saacadaa hadaad tagto xarunta xisbiga waxaa joogga Saddex gaadhi, kulmiyihii la yaqaanay 3 -gaadhi may hor-joogi jirin, Waynu ogayn sida uu kulmiye ahaan jiray , taasaa kuu macalin noqonaysa” ayuu yidhi Axmed Muumin Seed Wasiirkii hore ee Beeraha Somaliland.

 

Hadalkan wasiir Hore Axmed Muumin Seed ayaa daba socda kadib markii shalay xisbiga Kulmiye shaaciyay in laga caydhiyay masuulkan xisbiga Kulmiye.


Loading...
Loading...