Muuse Biixi Oo Loo Soo Jeediyay Inaanay Isku Dabranaan Doorashada Iyo Dagaalka Laascanood

0
Sunday March 12, 2023 - 17:58:11 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1031
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Loo Soo Jeediyay Inaanay Isku Dabranaan Doorashada Iyo Dagaalka Laascanood

    "Waxan kusoo gabo gabaynayaa, Madaxweyne waa inaan hal ku seegin, waa inaanay ku seegin"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxan kusoo gabo gabaynayaa, Madaxweyne waa inaan hal ku seegin, waa inaanay ku seegin"



Gabilay (HWN) Xil. Ahmed wali oo ka mida golaha deegaanka Gabiley ayaa sheegay in qaladaad badan xaga xukuumada Muuse ka dhaceen kuwaasi oo ku saabsan colaada Laascaanood ka taagan.

 

Sidoo kale xildhibaanka ayaa ka hadlay khilaafka doorashooyinka ee dalka ka taagan, sida uu ku sheegay qoraalkan hoose oo uubaahiyay xildhibaanku.

 

"Madaxweyne waa inaan hal kuseegin!

Somaliland maanta waa ognahay xaaladaha qalafsan ee ka taagan Gobol ka mid ah(Sool) waxa dhacay talo xumooyin badan oo aan marnaba la difiri karin si kasta haku yimaadaane, waxa dhacday  dhimasho, dhaawac, Burbur hantiyeed, Qax iyo dhibaato, kugu dhimay oo kaa dhimay ah.

 

Mudane Madaxweyne waxa iyana taagan xalka khilaafka Siyaasiga ah ee doorashooyinka , oo hadii aan la xalin dhalin kara cawaaqib xumo aynaan Qaran ahaan kasoo waaqsan karin sanado badan.

 

Madaxweyne waxa loo baahanyahay inad gacana amniga iyo xalinta xaalada Laascaanood kaga shaqayso,. Gacanta labaadna Doorashooyinka iyo xalinta khilaafka arrimaha Doorashada kaga shaqayso.

 

Waxan kusoo gabo gabaynayaa, Madaxweyne waa inaan hal ku seegin, waa inaanay ku seegin in aan aanay isku dabranaan Xalka Laascaanood, iyo Qabsoomida doorashooyinku, u diyaari Somalilandta balaadhan ee Laascaanood kasoo hadhay in Doorashooyinku ka dhacaan, adigoo ka shidaal qaadanaya go,aanadii uu qaatay Madaxweyne Rayaale sanadki 2003 ee xaalada Sool iyo Doorashooyinkii wakhtigaa taagnaaā€¯ ayuu yidhi Xil. Ahmed wali oo ka mida golaha deegaanka Gabiley


Loading...
Loading...