Dadka dunida ugu khatarsan ayaa ah mar walba kuwa mara dhibaatada ugu badan ee dunidda.
Qofka la intixaamo ayaa u haysta fursad uu kaga gubdi karo oo kuna guulaysan karo intixaam ka,
hadba intixaam ka nooca uu yahay ayuu ku salaysnaan doonaa heerka aad kaga qalan jabin doono iyo shahaadada aad heli doonto.
In aad dhibaato la kulanto waxay kuu tahay in lagu siiyey fursad aad ku noqon karto qof khatar ah dabiici ah oo u adkaysan kara waxwalba lana rabo in laguu toobaro qof hogaan karti iyo awood u leh iyo in aad maamusho noloshaada iyo nolosha dad yow kale oo kugu xeeran.
Hadba nolosha dhan ka lagaa intixaamo ayaa ah dhanka u baahnayd in lagaa dhiso oo lagaa siiyo cashar muhiin u leh noloshaada iyo waxtarkeeda.
Tusaale hadii aad tahay qof uu sabar ka ku yar yahay waxa lagu hor dhigayaa casharo aad ku baran karto sabarka ogowna casharkasta oo aadan wax ka baran waxa suurto gal ah in uu kugu soo noqdo mar labaad iyo sadexadaad ba isaga oo kala duwan ilaa aad ka baranayso oo aad wax ka gudbayso intixaamka.
Cidda wax ku baraysa waa nolosha nolosha dhamaanteed na waxa ay gacan ta ugu jirtaa Eebe wayne oo adiga ku abuuray ogna xaalkaada midka qarsoon iyo midka dibbada yaal.
Laguna mana dhibayo ilaa inta karaal kaada ah sida eebahay ku sheegay qur'aan ka:
اَ يُكَلِّفُ اللّهُ نَفْساً إِلاَّ وُسْعَهَا
Waxa ugu wanaagsan ee uu qofku imtixaanka ka barto waa daciif nimadiisa iyo in ay jirto awood ka saraysa isaga iyo in uu laqo burburiyo kibirka iyo santaaga ku jira si uu isku dhul dhigo aqbalana rabigiis.
Marka ay aad u hoosayso noloshaada qalbigaadana yahay mid dabacsan oo dhaawacan waa marka aad ugu dhow dahay rabigaa oo aad wax kasta ku baran karto si daqiiq ah oo dabiici ah una nugushahay fahan ka fog ee nolosha iyo danta laga leeyahay culayska badan ee noloshaada.
Qofka waxa uu bartaa sida uu wax u fahmi lahaa waana marka ay u furmaan albaabo uusan ogayn in ay jiraan..
Ufiirso inta badan qofku waxa uu wax ka bartaa marka uu murugoodo qalbigiisa jabo dhaawac soo gaaro vaajoodo xanuusado amaba ku dhacdo musiibo noocay doonto ha noqotee isbadalka ugu badan nolosha waxa uu dhacaa goorta lagu qabto lugu taabsiiyo xanuun mid jismi ah ama ruuxi ah noocuu doono ba.
Qofasta oo la intixaamo na wax ka ma barto kamana faa iidayso ilaa dag gaar ah oo Alle ku ilhaamiyo ma ahane iyagana isku taxluujiya in ay fahmaan.!!!..
waxa jira dad isku mashquuliya xanuun ka la daalaa dhaca aan aklin fursadda ama nicmada rabigiis la soo doontay taa badalkeeda quusta is dhiiba oo jihada ka dhunto.
Eebe wayne waxa uu leeyahay
وَإِن مَّسَّهُ الشَّرُّ فَيَئُوسٌ قَنُوطٌ
Sax ma diidayno xanuunku waxa uu leyahay dhibaato fara badan lakin ma ahan
In qofku in ka badan in tii loogu talo galay murugoodo ama wal walo waxa loogu talo galay in uu qalbigaada iyo maankada kuu
furo kuna baro wax badan oo ka maqnaa nolosha iyo in uu rabiggaa kuu dhaweeyo
Kuli xanuunadada kala duwan dhawaca guuldarrada waayida ama dhimashada qof
aad jeceshahay faqriga iyo wax kasta oo hoos u rida hab nololeedkaada si toos ah iyo si dad ban ba kuli waxay nadiifinyaan oo wadada u xaaqayaan in aad noqoto qof ka wanaagsan qofkii shalay ka adkaysi badan ka naxariis badan.
Waxa kuu furmaya indhaha iyo Qalbiga waxa shaqaynaysa maskaxdaada waxa aad ogaanaysa wax kasta oo aad hantido sida hanti magac maal mansab iyo maamuus awood iyo aqoon ba in aad waayi karto aysanna kuu banaanayn wado aad ku kibirto ama aad ku liido kuwa kaa hooseeya.
Ku sabri karto hadaa waydo ku mahdin karto hadii Alle ku siiyo oo kuu siyaadsho.
Sidaa daraadeed ayaa loo dhahaa suubanaha rasuulka nabigeena muxamed sharaf kor kiisa ha ahaatee waa shaqsiga ugu wanaagsana abid..
Wax kale kuma noqon waxa uu maray imtixaan kii aduun ka oo dhan dhan kasta..
Xataa waxyiga soo dagistiisa kaliya ayuu la xanuusan jiray maxay kula tahay qof 23 sano sacad kasta iyo maalinkasta iyo waqtikasta uu uu helayo Waxyiga iyo aayadaha qur'aan ka qof dareemaya xanuun uusan xambaari karin basharka caadiga ah.
Geerida uu kala kulmay qofkasta uu jeclaado oo ka hor dhiman jiray in yar ma ahane
Xaakiisa adeeradiis caruurtiisa iyo asxaabtiisa qaar.
Ehelkiisa oo nacayb u qaaday ilaa gurigiisa iyo qoyskiisa la kala dheerayo naftiisa ay halis ugu jirtay markasta in ladilo nacayb fuquuq xaasidnimo sixir iyo subax kasta lagu la soo jarmaado in uu waalan yahay..
Waxaas oo dhan iyo kabadan ba wuu soo maray sidaas ayaana loogu sharfay basharka iyo makhluuqa ugu qaalisan dunida. ﷺ
Waxaas oo dhan waxa aan oga gol leenahay dhibaato kasta iyo culays kasta oo ku soo mara waxa Rabigaa rabaa in uu iskaa xasuusiyo adna aad noqoto mid sabra oo dadaala kuna qanca dhibaatada
Lagaaga khafiifiyo dunuubta lagugu siiyo darajooyin dheeriya lagaga dhigo qof u ad adag nolosha aduunyo aaakhirana imtixaan kii aad usoo sabartay darteed abaal marin wayn lagaga siiyo..
Waxaan kusoo khatimayaa qoraalkaygan xafiis kii suubanaha ee ahaaa
: «عجَبًا لِأَمر المُؤمِن إِنَّ أمرَه كُلَّه له خير، وليس ذلك لِأَحَد إِلَّا لِلمُؤمِن: إِنْ أَصَابَته سَرَّاء شكر فكان خيرا له، وإِنْ أَصَابته ضّرَّاء صَبَر فَكَان خيرا له».
[صحيح] - [رواه مسلم]
Jokaria Moha
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!