Daryeelida Maskaxda.

0
Sunday March 12, 2023 - 11:21:28 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 806
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daryeelida Maskaxda.

    Waxaa ka mid ah cuntooyinkaas hadaan soo koobo :

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa ka mid ah cuntooyinkaas hadaan soo koobo :



Mararka qaar ma dareentaa khalkhal iyo tashuush kaga furma fikirka ama xasuusta , ama in aad fahamtid cashar ama xisaab , hadaad dareentid taas wa arin ubaahan in lala tacaalo oo la xaliyo.


Maskaxda waxaa lasheegaa in ay yeelato sun kasameysanta cuntada wasakhaysan iyo haraadiga cuntada( Glucose )ku baxday shaqada maskaxda



, haday meesha ku aruurto suntaasi waxay khalkhal galinaysaa shaqada maskaxda iyo in uu qofku si saliima ufikiro shaqona uqabto hadaba taasi waxay ubaahantahy in laga nadiifiyo maskaxada.


Hadaba si loonadiifiyo maskaxda waxay ubaahantahy inuu qofku nasiino fiican helo oo uu seexdo waqti kufilan,gaar ahaan xilliga habeenkii ah, sababta oo ah hurdada habeenkii ah way kaduwantahy tan maalintii oo shaqooyin badan baa kadhaca jirka intuu qofku hurdo waxaana kamid ah kanadiifinta jirka sunta, Lymphatic system ku waa kan qaabilsan inuu kanadiifiyo jirka sunta waxaa lasheegaa inuu 60% uu shaqadiisa balaariyo xilliga hurdada.


Sidoo kale si maskaxda looga nadiifiyo sunta waxay ubaahantahy in uu qofku biyo badan cabo, sababta oo ah biyaha jirka 40% waxaa qaata maskaxda biyahana aad bay ugu baahantahay, oo markastoo biya cabkaagu badanyahay shaqada maskaxda iyo shaqada dhiig wareegu sifiican bay ushaqaynayaan , sababta oo ah maskaxda iyo wadnaha waxa lasheega 73% inay biyo ka koobanyihiin .


Intaas hadaan isla garanay waxaa kaloo jira cuntooyin uu qofku ubaahanyahy si uu u xoojiyo awooda maskaxdiisa taasoo kasaacidaysa qofka in uu kor u kaco fahankiisa , fikirkiisa iyo xasuustiisuba, waana tan qofka kasaacidaysa inuu lajaanqaado wax barashada iyo soo kordhinta wax muhiim u ah noloshiisa iyo tan dadka ku hareereysan sido kale usah laysa xal uraadintacaqabad kasta.


Waxaa ka mid ah cuntooyinkaas hadaan soo koobo :

1: kaluunka "waxa ku jirta maado looyaqaan omega 3 oo kor uqaada xasuusta iyo shaqada maskaxda .


2:ukunta " waa mid kamida cuntooyinka maskaxda ugu faa'iidada badan, waxa ku jira protin iyo vitamin B iyo macaadin badan ,Waxaana lasheegaa inuu jirku maalinkasta ubaahanyahy.



3: afakaadhada : waxaa ku jira vitamin B' C iyo saliidaha uroon maskaxda iyo jirka .


4: lowska noocyadiisa kaladuwan "waxa ku jira saliid uroon maskaxada sido kale wuxu siyaadshaa diirad saarida (focus) waana shaygaugu muhiimsan shaqa kastoo laqabanayo.


5: khudaarta cagaaran: khudaarta cagaarka ah waxa laga helaa vitamins badan waxyna ka ilaaliyaan unugyada maskaxda inay daalaan.


Sidookale waxa jira shaqooyin dardar galiya shaqada masqaxda oo kor uqaada firfircoonaanta maskaxda, waxa kamid ah wax akhriska,waxaa lasheegaa wax akhrisku inuu maskaxda kor uqaado, xilliga wax akhriska maskaxda waxa u noolaada unugyo horay u dhintay


Sido kale kuwo cusubna way u abuurmaan .


Sido kale cayaariska gamamka, daraasado badan baa sheegaya in uu gameku kasaacido maskaxda inay si dhakhso ah ufikirto, kuna taba barato go'aan qaadashada dagdaga ah, sidoo kalena uu xoojiyo wadashaqaynta maskaxda iyo gacmaha , sidokale wuxu kasaacidaa qofka inay ufududaato diirad saarida howlaha markaas horyaala.


Hadaan wax kasheegnay waxyaabaha kor uqaada maskaxda waxaa muhiim ah inaan wax kasheegno waxyaabaha hoos udhiga shaqada maskaxda ama sababa iny daasho .


1 : waxa kamida hurdo yaraanta wax lasheega inay unugyada maskaxdu qaar dhintaan haduusan qofku helin hurdo kufilan .


2: cunto yaraanta , sida quraac la'aanta iyo cunto xumada.

3 : waxa kamida inay maskaxda shaqadeedu hoos udhacdo in uu qofku shaqo qabto isagoo xanuusan.

4: inuu qofku labo shaqo isku wado , taasuna waxay keentaa inuu qofku diirada (focus)lumiyo ama daciifto inuu si fiican Shay diirada usaaro ugana fikirikaro.


5: walwalka (stress) , Bruce Mcewen :oo ah caalim ku takhasusay cilmiga neerfayaasha waxa uu cilmibaaris uu sameeyey ku sheegay " inuu walwalku (stress) uu hakiyo koboca unugyada maskaxda sido kale uu saameyn ku yeesho shaqada neerfayaasha " .


Lawadaag asxaabtada mahadsanid.


✍ Abdulahi Haydari .

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...