Jaarso Jaarso Jeegaan Jeegaan Jigjiga Jigjiga!

0
Sunday March 12, 2023 - 11:05:27 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1208
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Jaarso Jaarso Jeegaan Jeegaan Jigjiga Jigjiga!

    Innagaga sii daran'e, dadkan la gumaadayaa'i, waa ubadkoodii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Innagaga sii daran'e, dadkan la gumaadayaa'i, waa ubadkoodii



1- Jaarsadii ayaa la weerarey, Jaarsadii ayaa la qaxiyey, Jaarsadii ayaa la xasuuqey, ayaa dhagaheenna ka badatey, oo maskaxdeenna ku soo noq-noqoneysa, oo qalbiyadeenna wada dhaawacdey, oo indhaheennu ka wada ilmeeyaan; oo aan dhammaad lahayn - subxaanaka yaa cadiim.


 

Innagaga daran'e, dhulkan waxaas oo dhan loogu geysanayaa'i, waa deegaannadoodii, oo waa beerahoodii, oo waa guryahoodii; oo waa miyigoodii iyo magaalooyinkoodii - subxaanaka yaa cadiim.



 

Innagaga sii daran'e, dadkan la gumaadayaa'i, waa ubadkoodii, oo waa hooyooyinkoodii, oo waa haweenkoodii iyo raggoodii; oo waa cirroolahoodii iyo carruurahoodii - subxaanaka yaa cadiim.


 

Waa yaabka-yaabkiisa'e, cadawgan duullaanka ku ah, ee xasuuqayaa'i, waa Gari Koombihii ay shaley soo dhaweysteen, ee shaley ay marti-galiyeen, ee shaley ay quudinayeen; ee shaley soo baahi iyo magan galey - subxaanka yaa cadiim.


 

Haddaba Jaarsadu, ma waanay damiir lahayn, oo ma waanay damqaneynnin, oo ma waanay dareen lahayn, oo ma waanay isku diir-naxeynnin; oo ma waanay dulligan saaran iyo dulinkan ku dul nool, ee dhiiggooda jaqaya, ee waliba xabbadda la dhacaya, ma waanay iska celin kareynnin, oo ma waanay iska dhicin kareynnin; oo ma waanay iska caydhin kareynnin - subxaanaka yaa cadiim.


 

2- Jeegaantu (Habar Jecle iyo Habar Awal), iyaduna deegaannadoodan ay Yabareedu ka qaxisey, ee ilaa maantadan Yabareedu ay ka haysato, ee min Harooreys ilaa Jigjiga, iyaduna ma waanay ka xoreysan kareynnin; oo waanay Yabareeda ka caydhsan kareynnin - subxaanaka yaa cadiim.


 

3- Dirku guud ahaan, Jigjigadan laga caydhsadey, ee Absamuhu uu xoogga kaga haysto, ma waanu ka muddaharaardi kareynnin; oo ma waanu ka xoreysan kareynnin - subxaanaka yaa cadiim.


 

Waa la idin suggayaa'e, idinkuna yaad suggeysaan?

 

Alla ha u naxariisto'e, Maxamed Nuur Fadal ayaa yidhi:


¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯

Nin naftiisa biime u geshiyo, bohol xun mooyaane

Bawdada nimay kaga dhacdiyo, boqonta mooyaane

Gobannimo bilaash looma helo, ban iska taaltaale.

 

Tixgalin mudnaan badan leh.


 

Maxamed Sheekh Daahir

[email protected]

tashiwanaag.com

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...