"Madaxwayne SNM Ah Oo Muuse Ka Dambaynayaa Majiro"

0
Sunday March 12, 2023 - 09:35:46 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1889
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    "Madaxwayne SNM Ah Oo Muuse Ka Dambaynayaa Majiro"

    "xoog la iskuma haysan karro oo inagaba shalay…"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"xoog la iskuma haysan karro oo inagaba shalay…"


 


Hargaysa (HWN) Kornayl Cabdirisaaq Gambayare ayaa sheegay in dagaalka hada ka socda Laasacnood lagu soo afjarayo taariikhdii SNM, sidoo kale waxa uu intaasi kudaray in aanu jirin madaxwayne SNM ah oo ka dambaynaya Muuse Biixi.

 

Kornaylka ayaana usoo jeediyay Muuse Biixi in uu ciidanka ka dul qaado reer Laascanood.

 

"Saddex-daa nin ee SNM ee Somaliland madax-da ka ah Muuse ,Saleebaan Gaal iyo Maxamed Kaahin ayaa ka masuul ka ah dhibtii ka dhacday Laascanood,Madaxweyne SNM ah oo Muuse Biixi ka dambaynayaa ma jiro,halgankii SNM yaan laggu soo geba-gebaynin xabbad iyo colaad cusub oo taariirkhdii SNM yaan meel xun laggu ridin oo carruurtaynu dhalnay iyo kuwey sii dhaleen dhaxal xun yaanaynu uga teggin.."Kornayl Cabdirasaaq.

 

"Haddii Xabbadii Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo laggu dhaafay Muuse iyo Xukuumadiisa oo xabbadii Laaascanood laggu dhaafi waayey, halkaas inuu ku joojiyo ayey ahayd in xabbad loo addeegsado dadka reer Laascanood maya ahayn ,Ciidanka inuu ka dul-qaado weeye oo wadda haddal la gallo ,xoog la iskuma haysan karro oo inagaba shalay ayaa xoog la inagu haysan karri waayey,inana maanta cid xoog kuma haysan karno,ciidanka ha lagga dul-qaado Laascanood, xalku xabbad maaha ee ha la wadda hadlo.."ayuu yidhi Kornayl Cabdirisaaq Gambayare


Loading...
Loading...