"Saleebaan & Muuse Oo ahaa Jilayaashii Dagaalkii Sokeeye Ayaa Hadana Wada Dagaalka Laascanood"

0
Sunday March 12, 2023 - 09:28:54 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1824
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    "Saleebaan & Muuse Oo ahaa Jilayaashii Dagaalkii Sokeeye Ayaa Hadana Wada Dagaalka Laascanood"

    "markaa iyagu ma yaqanaa xal aan ahayn Xabbad iyo dagaal Sokeeye…"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"markaa iyagu ma yaqanaa xal aan ahayn Xabbad iyo dagaal Sokeeye…"



Hargaysa (HWN) Gudoomiye Axmed Cumar Cabdilaahi (Xamarji) oo kamid ah hogaanka Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa sheegay in jilayaashii dagaalkii sokeeye ee dalka Soomaray ay kamid ahaayeen Muuse Biixi iyo Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan, oo uu ku eedeeyay inay hadana iyagu wadaan dagaalka Laascanood.

 

"Dagaaladdii Sokeeye ee hore uga soo dhacay dalka waxay lahayeen jillayaal isku mid ah,Muuse Biixi wuxuu ka ahaa hoggaamiye,Saleebaan Gaal-na wuxuu ka ahaa hoggaamiye,iminkana labadoodii hoggaamiye ayaa Dagaalkan Sokeeye ee socda wadda,markaa iyagu ma yaqanaa xal aan ahayn Xabbad iyo dagaal Sokeeye iyo inay ummada kale qaybiyaan oo ay kale qoqobaan .."Guddoomiye Xamarji.

 

Dagaalka Laascanood ayaa ilaa hada aan xal lagu xaliyo loohelin, marka laga yimaado dhexdhexaadin ay labada dhinac ka dhexwado dawlada Federaalka Itoobiy.

 

Welina ciidamada ayaa is-horfadhiya, inkasta oo todobaadkii la soo dhaafay aan wax dagaalka ahi halkaasi ka dhicin oo xaaladu degeneyd.


Loading...
Loading...