Sacuudiga Oo Soo Saaray Xayiraado Ramadaanka Ku Aaddan

0
Sunday March 12, 2023 - 09:09:12 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1690
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sacuudiga Oo Soo Saaray Xayiraado Ramadaanka Ku Aaddan

    "Afhayeenku oo difaacay sababta duubista iyo baahinta salaadaha loo diidayna wuxuu sheegay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Afhayeenku oo difaacay sababta duubista iyo baahinta salaadaha loo diidayna wuxuu sheegay"



Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaadday awaamiir iyo xayiraado cusub oo ku aaddan habka loo gudanayo cibaadada bisha barakeysan ee Ramadhaanka sanadkan.

 

Awaamiirta iyo xayiraadaha ay wasaaradda Diinta ee Sacuudiga shaacisay waxaa ka mid ah sameecadaha masaajidda ee dibadda inaan la furi karin, la socoshada dadka ictikaafaya 10-ka dambe ee bisha Ramadhaan, xadiidaadda deeqaha iyo mamnuucidda duubista ama baahinta salaadaha masaajidda dhexdooda iwm.

 

Bayaan Jimchi wasaaradda ka soo baxay oo uu shaaciyey Wasiirka Arrimaha Diinta Sacuudiga Cabdulatiif Al-Sheikh waxay ka kooban tahay 10 qodob oo ay waajib tahay dadka ku nool Boqortooyada Sacuudiga iney u hoggaansamaan.

 

Qodobbadaasi oo ay ka mid yihiin ‘Imaamyada iyo Mu’addiniinta masaajidda iney masaajidda ka habsaami karin haddii ay jirin arrimo daruuri ah,” Salaadda taraawiixda inaan la dheereyn karin, Salaadda tahajudka ee tobanka dambe in la fududeeyo iyo in la dhammeeyo ka hor inta salaadda subax aan la gaarin.

Dadka bisha ramadhaan masaajidda ku cibaadeysanaya iney masaajidda Kaameera la geli karin sawirrana ay ka qaadi karin Imaamka, Muwaddinka iyo Muslimiinta kale ee dukanaya ayna ku baahin karin warbaahinta kala duwan iyo baraha bulshada intaba.

 

Wasaaraddu waxay sida oo kale Imaamyada masaajidda ay ku waajibisay iney la socdaan xogta dadka masaajidda ku ictikaafaya tobanka dambe ee bisha Ramadhaan aqoonsiyadoodana ay hubiyaan.

 

Awaamiirta wasaaradda ka soo baxay waxaa lagu mamnuucay iney masaajiddu uruurin karin lacagaha tabarrucaadka ama sadaqada ah oo dadka sooman lagu afuriyo iyo in cunta lagu diyaariyo barxadaha masaajidda oo loo oggol yahay oo keli ah gudaha masaajidka arrintaasina ay mas’uul ka yihiin imaamyada iyo mu’addiniinta masaajidda.

 

Arrinta kale ee muranka dhalisay oo ay wasaaraddu soo saartay waxay tahay codka samiicadaha dibadda in la damiyo xilliyada salaadaha taraawiixda iyo tahajudka lagu jiro sameecadahaasina la furi karo oo keli ah xilliyada aadaanka oo dadka salaadaha looga yeerayo iyo carruurta in masaajidda la keeno.

 

Xayiraadaha iyo Awaamiirta Wasaaradda Diinta Sacuudiga ka soo baxay waxaa ka carooday si weyna uga falceliyey muslimiinta daafaha caalamka ku kala nool iyaga oo sheegay tallaabbadan iney tahay mid ay Dowladda Sacuudiga oo ka amar qaadaneyso Dhaxalsugaha Maxammed Bin salmaan ay doonayaan iney xaddidaan saameynta ay diinta islaamka ku leedahay nolosha guud, si la mid ah kaligii taliyihii Tuunisia xukumayey Zine El Abidine Bem Ali iyo Midowgii Soofiyeeti ee hore.

 

Iyada oo weli ay soconayaan dhaleceeynta loo soo jeedinayo Sacuudiga, haddana dowladda Sacuudiga waxay sii waddaa iney dhiirrageliso bandhigyada riwaayadaha iyo muusigga iyada oo martiqaadeysa fannaaniinta reer galbeedka ee caanka ah si ay indhaha caalamka u soo jiidato.

 

Afhayeenka Wasaaradda, Abdullah Al-Enezi, oo talafishiinka Al-Sacuudiya u warramay wuxuu meesha ka saaray walaaca ay dadku ka muujinayaan awaamiirta wasaaradda ka soo baxay, wuxuuna sheegay wasaaraddu iney ishortaageyn masaajidda in dadka lagu afuriyo balse ay dooneyso in la nidaamiyo si nadaafadda masaajidda loo ilaaliyo.

 

Afhayeenku oo difaacay sababta duubista iyo baahinta salaadaha loo diidayna wuxuu sheegay in looga gol leeyahay khaladaadka aan lagu tala gelin ee iman karo si loo yareeyo.

 

BBC


Loading...
Loading...