Shir Ku Saabsan Arrimaha Deyn Cafinta Soomaaliya Oo Nairobi Ka Furmay

0
Saturday March 11, 2023 - 10:31:54 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 519
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shir Ku Saabsan Arrimaha Deyn Cafinta Soomaaliya Oo Nairobi Ka Furmay

    Shirkaan ayaa sidoo kale waxa looga arrinsanaya sidii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkaan ayaa sidoo kale waxa looga arrinsanaya sidii



Waxa magaalada Nairobi Nairobi ee dalka Kenya, Shir uga furmay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka.


 

Shirkaan oo ay hormuud ka tahay Wasaarradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa lagu gorfeyn doonaa arrimaha muhiim ah u ah sharuudaha barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya, horumarinta hannaanka Maamulka guud ee Maaliyadda dalka.



 

Shirkaan ayaa sidoo kale waxa looga arrinsanaya sidii xoogga loo saari lahaa dhamaystirka Deyn Cafinta Soomaaliya iyadoo la isla eegayo sharuudaha iyo barnaamijka muhiimka ah sidii loo gaari lahaa barta dhammaystirka Deyn Cafinta Soomaaliya.


 

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo shirkaan si rasmi ah furay ayaa sheegay in ay muhiim tahay fulinta sharuudaha lagu heshiiyay, kicinta dakhliga gudaha iyo xoojinta hannaanka Maamulka Guud ee Maaliyadda dalka (PFM).

Loading...
Loading...