Xisbiga Waddani Oo Cambaareeyay Dhalinyaro Xisbigooda Laga Xidhay

0
Saturday March 11, 2023 - 09:14:32 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1161
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Waddani Oo Cambaareeyay Dhalinyaro Xisbigooda Laga Xidhay

    "Muwaadinku arragtidiisa wuu cabbiri karaa siduu sheegayo qodabka 32 ee dastuurka"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Muwaadinku arragtidiisa wuu cabbiri karaa siduu sheegayo qodabka 32 ee dastuurka"



Hargaysa (HWN) Xoghayaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xisbigga WADDANI Mr. Yuusuf Nuux Yuusuf (Tadhase) ayaa cambaareeyay dhalinyaro ka tirsan xisbiga Waddani oo xukuumada Muuse Xabsiga utaaxtay.

 

Xoghaye Tadhase ayaa sheegay in ceeb iyo foolxumo ku tahay xadhiga dhalinyaradu xukuumada Muuse Biixi.

 

"Waan ka xumahay sidoo kalena waan cambaaraynaya Xadhigga lagula kacay Dhallinyarada Xisbigga WADDANI, waxaanu u arragnaa Cabudhin iyo Caga-jugleyn.

 

Sharmaake Garaad Aadan Xasan iyo Cabdicasiis Keyse Cali (Daad-madheedh) waa laba Wiil oo dhallinyaro ah oo Xisbigga WADDANI ka tirsan oo firfircoon, Xadhigooduna wuxuu ceeb ku yahay Xukuumadda Xisbigga KULMIYE oo wakhtigii daala-dhaca ku jirta.

 

Muwaadinku arragtidiisa wuu cabbiri karaa siduu sheegayo qodabka 32 ee dastuurka JSL waxaan cod dheer ku baaqaya in Dhallinyarta ra’yigooda iyo mabda’ooga lagu xidhay in ay sida ugu dhakhsaha baddan Xorriyadooda u helaan oo la sii daayo.” Ayuu yidhi.

 

Xukuumada Muuse Biixi ayaa caadaysatay xadhiga shacabka iyo cidkasta oo dhaliisha, waana xukuumadii ugu xadhiga badnayd xukuumadihii soo maray Somaliland.


Loading...
Loading...