Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka Oo Safar Ku Tagaya Itoobiya Iyo Niger
Xoghayaha arrimaha
dibedda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa u safri doona dalka Itoobiya
toddobaadka soo socda, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda Jimcihii,
iyadoo walaac laga qabo dhaqan-gelinta heshiiskii nabadeed ee ka dhashay
colaadda gobolka Tigray oo ay ku dhinteen tobannaan kun oo qof, boqollaal kun
oo kalena ay ku barakaceen.
Booqashadan oo lagu
wado in Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed uu ka shaqeeyo sidii uu mar kale uga soo
dhex muuqan lahaa masraxa caalamka kadib dagaalkii Tigray ee labadii sano ee la
soo dhaafay, ayaa kusoo aadeysa iyadoo ciidamada shisheeye ay kusii jiraan
gobolka iyo caqabadaha maamulka ee caqabadda ku ah gurmadka howlaha
bini’aadannimada.
Blinken ayaa sidoo kale
booqan doonaa Niger, oo ah saaxiibka muhiimka ah ee amniga Mareykanka, sida
lagu sheegay bayaan uu soo saaray afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ned
Price, waxaana booqashadan ay noqon doontaa tii ugu horeysay ee uu abid ku tago
dalka Niger xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka.
Afrika ayaa u soo
baxday inay diiradda saareyso Washington, iyada oo dooneysa inay isu muujiso
inay tahay saaxiibka dalalka gobolka, iyada oo tartan kula jirta Shiinaha, oo
isku dayaya inay ballaariso saameynteeda iyada oo maalgelinaysa mashaariicda
kaabayaasha ee qaaradda.
Booqashada Addis Ababa
iyo Niamey waa mid ka mid ah booqashooyin heer sare ah oo maamulka Biden uu
qorsheynayo inuu ku tago Afrika sannadkan.
VOA