Xukuumada Oo Hargeysa Ka Ugaadhsanaysa Dhalinyaro Ka Horyimid Mudaharaadadii Dagaalka Sool Lagu Taageerayey

0
Saturday March 11, 2023 - 01:39:43 in News by Abdi Good
  • Visits: 2209
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Oo Hargeysa Ka Ugaadhsanaysa Dhalinyaro Ka Horyimid Mudaharaadadii Dagaalka Sool Lagu Taageerayey

    Xukuumada Oo Hargeysa Ka Ugaadhsanaysa Dhalinyaro Ka Horyimid Mudaharaadadii Dagaalka Sool Lagu Taageerayey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Oo Hargeysa Ka Ugaadhsanaysa Dhalinyaro Ka Horyimid Mudaharaadadii Dagaalka Sool Lagu Taageerayey
Taliyaha Booliska Maxamed Aadan saqadhi(Dunuubgale) oo fulinaya Amar kaga yimid Muuse Biixi ayaa bilaabay inuu ugaadhsado dhalinyaro xilal ka haya qaarna taageerayaal u yihiin xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.


Goor dhawayd ayaa isaga oo cashaynaya laga qabtay Hargeysa xoghayaha garabka dhalinyarada xisbiga Waddani Cabdiqaadir Ismaaciil Jaylaani, waxaana ka sii horeeyey oo iyagana maanta la qabtay Sharmaake Garaad iyo Cabdicasiis Daad-madheedh oo ka mid ah taageerayaasha xisbiga Waddani.

Warar iga soo gaadhaya Hargeysa ayaa sheegaya in ciidamada boolisku ku dabajiraan dhalinyaro kale oo mucaaridka lala xidhiidhinayo kuwaas oo xukuumadu qorshaysay inay xabsiyada ku gurto.

Wixii warar ah ee ka soo kordha xadhiga dhalinyarada kala soco halkan.

Loading...
Loading...