Sacuudi Carabiya Iyo Iran Oo Dib Usoo Celiyey Xiriirka Diblomaasi
Iran iyo Sacuudi
Carabiya ayaa ku heshiiyey in dib loo soo celiyo xiriirkii go’ay 2016-kii,
islamarkaana dib loo furo safaaradaha labada dal, waxaa sidaas maanta shaaciyey
warbaahinta labada dal.
Sacuudi Carabiya ayaa
xiriirka u jartay Iran 2016-kii kadib markii safaaraddeeda Tehran ay ku
xoommeen shacab intii uu socday muran u dhaxeeyey labada dal oo ka dhashay
markii Riyadh ay xukun dil ku fulisay wadada shiico ah.
"Kadib wada-hadallo, Jamhuuriyadda
Islaamiga ah ee Iran iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ku heshiiyey in dib
loo billaabo xiriirka diblomaasi, islamarkaana dib loo firo safaaradaha laba
bil gudahood,” waxaa sidaas qortay wakalaadda wararka Iran ee IRNA, oo soo
xiganeysa war-saxaafadeed wadajir ah.
Wakaaladda wararka
Sacuudiga ee SPA, oo sidoo kale daabacday bayaanka, ayaa sheegtay in labada dal
ay isku raaceen in dib loo dhaqan-geliyo heshiiskii iskaashiga amni ee la
saxiixay 2001, iyo heshiiskii dhaqaale, ganacsi iyo maal-gashi ee 1998-kii.
Labada dal ayaa
dhowrkii sano ee tegay wada-hadallo dhowr ah ku yeeshay dalalka Iraq iyo Oman.
Hase yeeshee,
wada-hadalladii ugu dambeeyey ayaa ka dhacay magaalada Beijing ee dalka
Shiinaha, ayada oo Shiinaha uu qeyb ka yahay war-saxaafadeedka wadajirka ah ee
lagu shaaciiyey heshiiska maanta.
Ali Shamkhani, oo ah
xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iran, ayaa Isniintii ugu safray Beijing
"wada-hadallo xooggan oo u Shiinaha kula yeeshay dhiggiisa Sacuudiga si ugu
dambeyn loo xaliyo dhibaatooyiinka u dhaxeeya Tehran iyo Iran,” ayey tiri IRNA.
Sacuudiga Carabiya ayaa
uga mahad-celisay Iraq iyo Oman inay marti-geliyeen wada-hadalladii labada
dhinac ee 2021 iyo 2022.
Sacuudi Carabiya ayaa
sidoo kale uga mahad-celisay hoggaamiyeyaasha Shiinaha inay mart-geliyeen oo ay
taageereen wada-hadalladii lagu qabtay dalkaas.
VOA