Ma Ku Fekerteen Marna Inaydin Burco Iyo Hargaysa Ka Qaxdaan?

0
Friday March 10, 2023 - 11:01:23 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1760
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Ma Ku Fekerteen Marna Inaydin Burco Iyo Hargaysa Ka Qaxdaan?

    "Ifafaalaha Muuqdaa ma wacna Alle Ha Sahlo"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ifafaalaha Muuqdaa ma wacna Alle Ha Sahlo"



Hargaysa (HWN) Xildhibaan Jaamac Axmed Coonoboodhe oo kamid ah golaha wakiilada Somaliland ayaa sheegay in caqligii reer Somaliland isku dileen 1994kii uu weli jiro oo uu sidiisii yahay.

 

Waxaanu xildhibaanku su’aal iska waydiiyay in Burco iyo Hargaysa laga qixi karo.

 

"Caqligii 1994 Aynu isku dilay Waa Sidiisii oo Ma Korin Siyaasiyiintii Dadka isku Dirtayna Waa joogan  Shacabkana waa kiisii oo Waxa muuqata in  la sii Kala Qaybiyey

 

idinku Laascaanood Baad la Yaaban Tihiine Ma Ku fekerteen Marna inaydin burco iyo Hargaysa ka Qaxdaan ?  Ifafaalaha Muuqdaa ma wacna Alle Ha Sahlo" ayuu yidhi  Caanoboodhe Jaamac Axmed.

 

Xaalada Laascanood ayaa degen maalmihii la soo dhaafay, iyadoo Magaalooyinka waawayn ee Somaliland maalmihii  ugu dambeeyay ay ka dhacayeen isku soo baxyo lagu taageerayo xukuumada Muuse Biixi, taasi oo shacabka Somaliland qaar kamid ahi dhaliileen.


Loading...
Loading...