Suuqyada Kenya Oo Laga La Yahay Lacagta Dollarka

0
Friday March 10, 2023 - 08:33:21 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1163
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suuqyada Kenya Oo Laga La Yahay Lacagta Dollarka

    "Kama caban karno dhibka naga heysta lacagta Dollarka"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Kama caban karno dhibka naga heysta lacagta Dollarka"

 


Wasiirka ganacsiga ee dalka Kenya, Moses Kuria, ayaa sheegay in lacagta Dollar-ka ee laga waayey dalkani, ay tahay mid aanay waxba ka qaban Karin dowladdiisa.

 

Kuria ayaa u sheegay mudanayaasha baarlamaanka, in Dollar la’aantu ay tahay dhibaato si guud dunida uga jirto.

 

Balse waxa uu eeda dusha uga tuuray dhaqanka ka jira Kenya, ee ah in dalka la keeno waxyaabo gudaha dalka lagu farsameyn karo.

 

"Kama caban karno dhibka naga heysta lacagta Dollarka, marka aan wax waliba aan dibadda kasoo waaridayno/dejineyno," ayuu yiri wasiirka.

 

Waxa uu dalbaday in la dhiirigaliyo wax soo saarka gudaha, lagana ilaaliyo tartanka kaga imanaya ganacsatada gudaha kuwa shisheeye.

 

Bankiga dhexe ee dalka Kenya, ayaa ku amray bangiyada ganacsiga in ay kaltan noqoto sarifka lacagta Dollarka, maadaama uu yaraatay Dollarka suuqa yaalla, sida ay ku warantay warbaahin ka hawl gasha gudaha dalka Kenya.

 

Falanqeeyayaasha ayaa ku eedeeyay Bangiga Dhexe ee Kenya, inuu mas'uul ka yahay dhibaatada Dollarka, iyagoo sheegay in maamulaha uu soo saaray sharciyo adag, oo lala tiigsaday suuqa lacagaha ee bangiyada dhexdooda.

 

Laakin xeer ilaaliyuhu, ayaa waxa uu ku celceliyay in Kenya ay haysato kayd lacag qalaad oo ku filan, oo ay ku dabooli karto baahideeda.

 

Lacagta Shilinka Kenya, ayaa lumisay 9% marka lagu badalayo sarifka Dollarka muddo gaaraysa sanad, taasoo sare u qaaday maciishada.

 

BBC


Loading...
Loading...