Shan Faa'ido Oo Laga Helo Cunista Kalluunka Dufanta Leh
Kalluunka dufanta leh
ma wuxuu u wanaagsan yahay caafimaadka?- haddii ay sidaas tahay, waa maxay
noocyada ugu fiican iyo inta jeer ee ay tahay inaad cuntid? arrimahaas waxaa
sharraxeysaa Nicola Shubrook oo ah dhakhtarad ku takhasustay cuntooyinka
nafaqada leh, waxay ka talo bixineysaa faa'idooyinka laga helo kalluunkan.
Kalluunka dufanta leh-
waxaa ku badan dufanka nooca loo yaqaano omega-3.
Dufanka Omega-3, waxaa
lagu tilmaamaa in uu yahay mid lagama maarmaan u ah jirka banii'aadanka, waxaa
laga helaa cuntooyinka maadama uusan jirka soo saari karin.
Noocyada kalluunka
dufanta leh:
• Salmon
• Mackerel
• Anchovies
• Sardines
• Herring
Shan faa'ido oo laga
helo kalluunka dufanta leh
1. Waxaa laga yaabaa in
uu ka hortaggo cudurrada ku dhaca wadnaha
Daraasado dhowr ah ayaa
muujiyay in dufanka loo yaaqaanno Omega-3 fatty acids in uu dadka ka caawiyo
hoos u dhigista kolestaroolka iyo cadaadiska dhiigga ee aadka u sarreeya taasoo
yareyneysa halista cudurrada wadnaha.
2. Waxaa ku jiraa
maadooyin difaaca neerfayaasha
Omega-3 fatty acid,
gaar ahaan maadada ku jirta ee loo yaqaanno DHA, waxay lagama maarmaan u tahay
korriinka maskaxda sida ugu habboon iyo shaqada maskaxda, waxayna u horseedda
neerfayaasha inay ka hortaggaan cudurrada, oo uu kamid yahay ka hortagga
cudurka Alzheimers.
3. Wuxuu u fiican yahay
kala goosyada jirka
Dufanka loo yaqaanno
Omega-3 fatty acid waxay si daabici uga hortagtaa xasaasiyadda jirka, daraasado
dhowr ah waxay muujinayaan inay ilaaliso kala-goysyada jirka, waxayna qofka ka
caawin kartaa ka hortagga cudurka ku dhaca kala goosyada ee rheumatoid
arthritis.
4. Wuxuu caawiyaa
caafimaadka maskaxda
Cilmibaarisyo muhiim ah
ayaa muujinaya in dufanka Omega-3 fatty acids ay saameyn waxtar leh ku leeyihiin
caafimaadka maskaxda oo ay kamid yihiin walaaca iyo niyad jabka.
5. Wuxuu qofka ka
caawiyaa halista kansarka
Cilmi baarisyo badan
ayaa muujiyay in dufanka omega-3 fatty acids lala xiriiriyay hoos u dhigista
halista kansarka qaarkiis, oo ay kamid yihiin kuwa ku dhaca mindhicirada iyo
naasaha.
Cunista kalluunka
dufanta leh
Waaxda adeegyada
qaranka ee UK ee NHS waxay ku talineysaa in qofka toddobaadkii uu ugu yaraan
labo jeer kalluunka cuni karo, mid kamid ah kalluunka waa in uu noqdo midka
dufanta leh.
Kuwa ay tahay inay
cunaan wax aan ka badnayn laba xabbo oo kalluunka dufanta leh toddobaadkii waa,
gabdhaha, haweenka ku rajo weyn inay uur qaadaan iyo haweenka naaska nuujinaya
ilmahooda.
BBC