Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan La Qaatay Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland SAWIRO
Agaasimaha Guud Ee Haayadaasi Iyo Xubnaha Ka Tirsan Gudida Qandaraasyada Qaranka Ayaa Kulan kula qaatay madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Kulankan ay gudida qandaraasyadu laqaateen madaxwaynaha ayaa ahaa kulan lagu dardar gelinayay hawlaha shaqo ee gudida qandaraasyadu qaranka uhayaan
Gudoomiyaha Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland Ayaa Kulankaasi Ka Jeediyey Warbixin Uu Kaga Hadlaayo Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland,Maadama Oo Haayadaasi Noqotay Tiir Muhiima Oo Ka Dhabeeyey Badiba Balan-qaadkii Madaxweynaha Somaliland Sameeyey Wakhtigii Doorashada Taas Oo Ku Saabsan Tartanka Xorta Ah Ee Loo Gelaayo Gudida Qandaraayda Qaranka Somaliland,
Dhanka Kale Madaxweynaha Somaliland Ayaa Gudida Qandaraasyada Qaranka Ugu Hanbalyeyey Shaqada Hufan Ee Qaranka U Qabteen,Isagoona Ku Booriyey Inay Sii Dar-dar Geliyaan Shaqada Ay Qaranka U Hayaan