War-Bixin Ay Wadda Jir U Saareen Xuquuqul-Insaanka Ururka EU-dda Iyo UK ( Abdi-Shotaly).

0
Thursday March 09, 2023 - 11:43:37 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1725
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    War-Bixin Ay Wadda Jir U Saareen Xuquuqul-Insaanka Ururka EU-dda Iyo UK ( Abdi-Shotaly).

    * N. B Tani Waa Isir Tirtirid Iyo Xasuuqa AAN Loo Aabbo Yeelin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

* N. B Tani Waa Isir Tirtirid Iyo Xasuuqa AAN Loo Aabbo Yeelin




Waxan halkan idiinku soo gudbinayaa War-Bixin ta sare ku taalaa waxa ay sheegayso, oo aan Af-Somali ku soo turjumay, sidaas awgeed xalay oo bishu ahayd 08/03/23, labadda haween ee Madaxdda ka Xuquuqul-Insaanka, oo la kala yidhaaho Mrs Sally Ferdino oo ka socotaa Ururka EU-dda Iyo Mrs Julie Brain oo ka tirsan UK, ayaa wadda Jir u soo wadda daayey War-Bixin tan hoose ku taal la.



Waxan tagnay Laascaanood anaka oo magac weriye ku socona, waxan soo aragnay wax aan hore noo soo marin, markii aan dhex Marey Magaalada Madaxdda Gobolka Sool, oo ay si waxash-nimo ah u bam-gareysay Maamulka iskii isu magacaabay " Somaliland". Waxay tidhi Gabadha Sally Ferdino, waxan shaqaan hayey mudoo 33 sano ah, waxan ilaa 45 Dal oo caalamka ah baan u tegay hawlahan Xuquuqul-Insaanka iyo Arimo Bani'aadanimo, Weli ishaydu may qaban wax sidan oo kale ah. Sidaas awgeed waxan rabaa in aad wakhti aan idiinku soo gudbiyo I siisaan. Waxan soo Aragnay wax-yaabo aanan hore Dunidda igu soo marin tan wixii ka horeeyey, ee bal ila eega sidda wax u dhaceen.


(1) Weli Aduunka kama ay dhicin in la duqeeyo "Meelaha Dadku Wax Ku Caabudaan Diin Kasta Oo Ay haystaan" sidda Masjidka Synagogue ee Yuhuuda, Mosque Islamka, Ample-ka Hindidda iyo Guryaha la dhigo Asnaamta ee bani'aadamka qaarkii illaah-iyadda ka dhigtaa, xataa lama dumin labaddii "Dagaal Ee Aduun WW1&2" Yaabka nagu dhacay wuxu noqday markii Nala Tusay Masaajid Qori Aartileri ( Artillery Gun) ahi uu ku habsaday, oo uu Gumicii dhex yaallo leh Xalaamaddii Maamulka Hargeysa, aduun waa Wax ku cusub, waayo meela ha cayn-kaasi waa dhulka nafta lagula cararo ee ah lama taabtaanka.


(2) Waxa kaloo iyana maskax la'aan noqotay aan xabadda loo miidaan dayeyn, markii aanu is Dul taagnayn dhakhtarka Laascaanood oo dadkii ku dhaawacmay dagaalka markii la geeyey, laga daba riday madaafiic, oo dhaawicii lagu sii dilay iyo shaqaalihii dhakhtarka, waa u qaadan waa aan la aqbali karin.


(3) Waxa aanu soo maray tuulooyin u dhaw-dhaw Laascaanood, oo ay u qaxeen Maato iyo caruur aanu ku qiyaasnay ilaa 100.000 kun oo qof, waxa kale oo Intaas sii dheer dadkii xooga lahaa ee socon karaa yey waxay qaxeen meel ka durgusan, oo naloogu sheegay tiradoodda 80.000-90.000. Maaha wax la dhayalsan karo oo Indhaha laga lalin karo marxaladan ISIR Xasuuqa ah.


Dabeed waxay hadalkii ku wareejisay Mrs Julie Brain oo ka socotay "Amnesty International & Human Rights Watch Dog"


(3) Mrs Jullie Brain ka socotaa Dalka UK, baa halkaa ka sii Waday hadalkii, waxay tidhi waxan aan soo WADDA waa Badheedhay ficila loo sameeyey ee kama uma dhicin " TANI WAA ISIR TIRTIRID IYO XASUUQID AAN LOO AABBO YEELAYN" Waxa Intaas ka sii daran ee bal iyana ila eega.


(a) Aduunka Ciidanka Military-gu iyo Booliska way ka caagan yihiin in ay ku milmaan " Siyaasadda Maamulka meeshaas ka jira iyo Mucaaridka in ay u kala hiiliyaan. Sideeda-bana Ciidanka dal leeyahay shaqo kuma laha banaan-baxyadda shicibka, Booliis-kuna Rasaas noola uma adeegsan karo shicib aan hub sidan, sidda ka dhacday Laascaanood, Hargeysa, Burco iyo Ceerigabo.


(b) 23 Hablood oo ay 6 ka mid ahi ku jiraan bishii ugu horeysay ee ay guursadaan ( Honeymoon-kii) baa uu Maamulka iskii isu mahadiyey ku xidhay Gobol-Kiisa la yidhaaho " Gebiley"


(c) Waxa aanu Video ka daawanay " Nin ay 3 hayaan, nin sarkaal ahi a uu xiniin-yaha laad kala dhacaayo, nin-kaas oo ay ilmaadeer yihiin Keliggii taliyaha Maamulka Hargeysa. Nin-kaas jeelka baa la geeyey, lagu xidhay, oo xiniin-yihii ku qudhmeen jeelka, kuna dhiman gaadhay, baa dhakhtarka la geeyey, oo xiniin-yihii kii ku dhuftay, Halkii maxakamad laga keeni lahaa la sii dalac-siiyey.


(D) Waxa kale oo aanu daawaday Video, uu nin isana sarkaal ah, oo Askariga Maamulka Hargeysa ah inaadeerkii oo feedh iyo laad la dhacaayo gabadh banana-bax Mucaaridku sameeyey ka soo qayb gashay, oo aan wax hub ah sidanin.


(e) In ka badan 300 oo dhalin-yaro ah baa lagu xidh-xidhay 2Mudaaha-raadaddii ee ay sameeyeen Xusbiyadda Mucaaridku, iyadda oo laga soo xidhay Hargeysa, Burco iyo Ceerigabo.


(f) Waxa iyana jeelka Mandheera oo ah ka dadka loo mastaa-furiyo la geeyey ilaa 25 ka mid ah Siyaasiyiintii Xusbiyadda Mucaaridka wakhti yo kala duwan, laakiin isu dhaw-dhaw.


(g) Waxa iyana loo direy Xabsiga Mandheera Madax-Dhaqmeed ( Highest Tribal Clergyman) who is untouchable in their Somali Culture, qaarna Wadano Debedda ah by meerayaan (others are on the run of abroad countries).


Akhristaw isku soo duuboo, waxay labadan dumari ( Sally Ferdino iyo Jullie Brain) ku soo gabaga-beeyeen (1) In deg-deh loogu gurmad umadaas tabaalaysan, aduun-kuna meela uga soo wadda jeesto.


(2) In aan wax loo soo marin Maamulka Hargeisa, ee loogu dhiibo Gudidda 33ka ah ee ay doorteen (The 33 Tribal Clergymen Committee Of their wishes)


(3) In ay gebi ahaan Maamulka Hargeysa Farah ka qaadan, laguna Khasbay in Xabad Joojin, haddii kale waa in la Keena ay leedahay Qaramadda Midoobay oo dhex-dhaxaah ah ( Neutral UN Army)


* N. B Tani Waa Isir Tirtirid Iyo Xasuuqa AAN Loo Aabbo Yeelin"


TURJUME Abdi-Shotaly.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...