Reer Aadan Cigale (Majeerteen)

0
Thursday March 09, 2023 - 11:33:15 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 6893
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Reer Aadan Cigale (Majeerteen)

    F.G. Cigaal, ayaa Cigale laga dhigey.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

F.G. Cigaal, ayaa Cigale laga dhigey.

Beesha Reer Aadan Cigale, ee Majeerteen, waa beel asalkeedii iyo abtirsiinteedii la nasakhey, oo nasabaddeedii la baddaley; oo Majeerteen oo aanay ahayn, ayaa lagu sheegey.


Sidaas darteed, beeshu ma ahan Reer Aadan Cigale, ee waa Reer Aadan Cigaal.

F.G.

Cigaal, ayaa Cigale laga dhigey.



Haddaba beeshu, waa Reer Aadan Cigaal, oo waa Aadan Cigaal Abokor Cabdille Ugaadh Aadan-madoobe, oo waa Habar Jecle, oo waa Isaaq; oo waa Dir.


Beesha Aadan Cigaal Abokor, waa qeybihii Beesha Aadan-madoobe, ee dagaalladii sokeeye, ee qarniyadii 18aad iyo 19aad ka qaxey, oo dhinacaas Koonfureed ayay u jabeen, oo Majeerteen ayay la deegaan noqdeen, oo ku dhex milmeen; oo ka dibna, waa la Majeerteeneeyey.


F.G.


Cali Aadan inuu beesha inteeda kale ka gooni yahay, oo isagu uu Cali Aadan Cabdille Ugaadh Aadan-madoobe uu yahay, ayay dadka badhkood u haystaan. Dadka badhkoodna, inay beeshu ay Aadan Cigaal Abokor Cabdille Ugaadh Aadan-madoobe wada tahay, ayay rumeysan yihiin.


Si kasta ha ahaato’e, beeshu inay Cabdille Ugaadh Aadan-madoobe ay tahay, oo Habar Jecle ay tahay, oo Isaaq ay tahay, oo Dir ay tahay, ayaa run ah, oo xaqiiqadu ay tahay.


Alla ha u naxariisto'e, Salaan Carabey ayaa yidhi:

Duunyadatan kama liidataan, daaqi geedaha'e

Iyaba waa isdoontaan hadday, kala dibboodaane

Kolay deeradiyo cawsha tahay, doqoni waa liide

Nimanyahow tolnimo waa dugsiye, dunida jeedaasha.


Tixgalin mudnaan badan leh.

Maxamed Sheekh Daahir

[email protected]

tashiwanaag.com

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...