ERGO ( maanso) xaaladda laascaanood
Waxan gabayga u alkumay
Asc Maansadan oo magaceeda la yidhaahdo ERGO waa maanso ka hadlaysa xaaladda colaadeed ee ka jirta gobolka sool gaar ahaan magaalada laascaanood, maansadu waxa ay ku baaqaysaa in xabadda la joojiyo miiska wadahadalkana la isugu yimaado, ergada iyo baaqa nabadeedna la ajiibo.
Waxay tidhi maansadu
Ergo weeye maansada
Eray weeye waano ah
Talo weeye odaynimo
Amni weeye nabad doon
Waa weedh abwaan yidhi
Kuma rabo aduunyiyo
Anfaaciga la dhuunsado
Waxan gabayga u alkumay
Ilaahay daraadii
Istus maaha maansadu
Amaan iyo wax liita ah
Iyo weedh aftahanimo
Ugub weeye dhiillo
Colaad weeye uurdoox
Anfariir wax laga naxo
Dagaal iyo orbaa jira
Olol iyo dab baa jira
Asqaw iyo colbaa jira
Orod iyo qaxbaa jira
Aydaa la wadhan yahay
Dumar ooyayaa jira
Hingaf iyo asay sida
Sayguudu iil galay
Agoon booyayaa jira
Muu garan ujeedada
Aabihii wax lagu dilay
Markii aarso lagu yidhi
Abtigiibu soo dilay
Waxa goay adeerkii
Waxa dilay ina abtigi
Inan seedigiiyaa
Aanadii se lagu dilay
Ilmo habarwadaagii
Inaadeerkibaa dilay
Ehelkii wax kama hadhin
Aaskaa la joogaa
Waa goob alhuumo
Oohin iyo baroor badan
Cid la eersadaa jiran
Ilmadaa la wada qubay
Lama aamusiin karo
Waxa dhacay inkaar ba'an
Innaa lillaahi
Wa innaa ilayhi
Arraajicuuna
Imikiyo hadeertana
Imikiyo hadeertana
Ilaahow ka marag noqo
Hadii aad islaamtiin
Ummad muxammad aad tiin
Iimaanka leediin
Ashahaada qirasaan
Ilaahay runayseen
Ayaantii qiyaamiyo
Aakhiro taqaanaan
Waan idin abhinayaa
Waan idin abhinayaa
Allihiina ka cabsada
Ergada u hogaansama
Ajiiboo dhegta u fura
Islaaxana u kaalaya
Dood ardaaga lagu naqo
Ogolaada nabadana
Ilaahow rabbigayow
Arraxmaan allahayow
Arraxiim macbuudow
Alladiif dul badanow
Alqaadiru awoodlow
Alcaliim ogaallow
Alcadiimu waynow
Al awwalu horeeyow
Al aakhiru danbeeyow
Ilaahow rabbigayow
Ehelkiyo qaraabada
Dadkan ood wadaagta ah
Ololkiyo dabku dhex yaal
Rabbiyow islaax gali
Amni iyo nabdoonaan
Istiqraar barwaaqo
Uurkooda burcad mari.
Ducada waad ajiibtaa
Aamiin rabbigayow.
Waxay tidhi maansadu
Ergo weeye maansada
Eray weeye waano ah
Talo weeye odaynimo
Amni weeye nabad doon
Waa weedh abwaan yidhi
Kuma rabo aduunyiyo
Anfaaciga la dhuunsado
Waxan gabayga u alkumay
Ilaahay daraadii
Istus maaha maansadu
Amaan iyo wax liita ah
Iyo weedh aftahanimo
Ugub weeye dhiillo
Colaad weeye uurdoox
Anfariir wax laga naxo
Dagaal iyo orbaa jira
Olol iyo dab baa jira
Asqaw iyo colbaa jira
Orod iyo qaxbaa jira
Aydaa la wadhan yahay
Dumar ooyayaa jira
Hingaf iyo asay sida
Sayguudu iil galay
Agoon booyayaa jira
Muu garan ujeedada
Aabihii wax lagu dilay
Markii aarso lagu yidhi
Abtigiibu soo dilay
Waxa goay adeerkii
Waxa dilay ina abtigi
Inan seedigiiyaa
Aanadii se lagu dilay
Ilmo habarwadaagii
Inaadeerkibaa dilay
Ehelkii wax kama hadhin
Aaskaa la joogaa
Waa goob alhuumo
Oohin iyo baroor badan
Cid la eersadaa jiran
Ilmadaa la wada qubay
Lama aamusiin karo
Waxa dhacay inkaar ba'an
Innaa lillaahi
Wa innaa ilayhi
Arraajicuuna
Imikiyo hadeertana
Imikiyo hadeertana
Ilaahow ka marag noqo
Hadii aad islaamtiin
Ummad muxammad aad tiin
Iimaanka leediin
Ashahaada qirasaan
Ilaahay runayseen
Ayaantii qiyaamiyo
Aakhiro taqaanaan
Waan idin abhinayaa
Waan idin abhinayaa
Allihiina ka cabsada
Ergada u hogaansama
Ajiiboo dhegta u fura
Islaaxana u kaalaya
Dood ardaaga lagu naqo
Ogolaada nabadana
Ilaahow rabbigayow
Arraxmaan allahayow
Arraxiim macbuudow
Alladiif dul badanow
Alqaadiru awoodlow
Alcaliim ogaallow
Alcadiimu waynow
Al awwalu horeeyow
Al aakhiru danbeeyow
Ilaahow rabbigayow
Ehelkiyo qaraabada
Dadkan ood wadaagta ah
Ololkiyo dabku dhex yaal
Rabbiyow islaax gali
Amni iyo nabdoonaan
Istiqraar barwaaqo
Uurkooda burcad mari.
Ducada waad ajiibtaa
Aamiin rabbigayow.
Abwaan ismaaciil-mubarik Maxamed Cali
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...


0 





