Dagaalkii Darajo Xoorka!!

0
Thursday March 09, 2023 - 10:59:28 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 3089
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Dagaalkii Darajo Xoorka!!

    Nuux ayaa la arkay markii ugu horaysay tan iyo maalintii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nuux ayaa la arkay markii ugu horaysay tan iyo maalintii
May be an image of 7 people, military uniform and text



Taliyaha—hawl ka fadhiisinta ku maqnaa, ee Nuux Taani ayaa kasoo muuqday warbaahinta afka Soomaliland ku hadasha, hadal maray habayn iyo jarjarid socday mudo kooban ayaa la siidaayey.

Nuux inta uu hadlayey ma sheegin wax-qodob ah ama xog ah, waa iskulanahay, saxaafada inaga difaaca, Bosaso, Badhan, Dhahar, Qardho, Garowe iyo Galkacayo iska soo aruursada anagu waa taaganahay, waana isku filanahay.

Nuux ayaa la arkay markii ugu horaysay tan iyo maalintii dagaalku ka bilowday Laascaanood 32 maalin kahor, muuqaalkiisiii ugu danbeeyey ee uu Oog kasoo duubay waa uu hanjabayey isagoo garbihiisa garaado[darajo ciidan]ka lushaan, maantase muuqaalkiisu iyo qaab hadalkiisuba sidaa ma ahayn, masidan Garaado[darajo], fasiraada ugu weyn ee laga bixiyey ayaa ahayd, waa joogaa, ma dhawacmin, waana taaganahay.

Hadalka Taani ayaa kusoo beegmay mudo la laa’aa meel uu jaan dhigay taliyahani, ciidankiisana laga soo durkiyey wax kabadan 100Km iyo Magaalada Laascaanood oo dibada looga saaray 15sano kadib.
Farah Abdulkadir Mohamed
Loading...
Loading...