"Dabaal-dagyadaas waa kuwo la micno ah wiirsi & wax-fool-xun oo dagaalka Laascaanood xalkiisa fogaynaya.." Wasiir hore Axmed Muumin Seed

0
Thursday March 09, 2023 - 10:26:15 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1677
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Dabaal-dagyadaas waa kuwo la micno ah wiirsi & wax-fool-xun oo dagaalka Laascaanood xalkiisa fogaynaya.." Wasiir hore Axmed Muumin Seed

    Hadaba waxa aan halkan ku soo jeedinayaa talooyin dhawr

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hadaba waxa aan halkan ku soo jeedinayaa talooyin dhawr



Shiki kuma jirto in Laascaandood ay tahay Somaliland, sidaas hadii ay tahay, dagaalka Laascaanood waa colaad sokeeye oo astaanteedu tahay "kugu dhimay oo kaa dhimay”.


 

Waa wax laga xumaado, ceeb iyo niyad-jab in xaalkii dalka oo sidaas ah dabaaldagyo lagu qabto magaalooyinka dalka, muusik la shido, lana muujiyo dareen muujinaya rajo dhig iyo kala tag.



 

Dabaal-dagyadaas waa kuwo la micno ah wiirsi & wax-fool-xun oo dagaalka Laascaanood xalkiisa fogaynaya, waxa muuqata in aanay caqliyad wanaagsani ka talin, waana hubaal in ay magaca iyo sumcada ciidanka qaranka wax u dhimayaan.


 

Hadaba waxa aan halkan ku soo jeedinayaa talooyin dhawr ah oo aan is leeyahay way ku haboon yihiin marka uu xaalku sidan yahay:


 

Maanta waxa nala gudboon in aan u Alle barino intii naga dhimatay, samirna u rajayno inta colaadan ku wayday wiil, walaal iyo waalid ay jeclaayeen


In laga waantoobo durbaanka iyo dam-damtadadka sii kala fogaynaysa laguna badalo duco & damqasho sokeeye oo aan bulshada isku soo dhawaynaysa


Ciidanka qaranka oo mudnaantooda markasta leh, uma baahna taageero fagaare ku urur ah, waxase ay u baahan yihiin in qoysaska agoonta looga war hayo, inta difaaca qaranka u heelan niyadooda lagu dhiso buuxinta baahida ay qabaan


In la ogsoonaado in dakharada colaadaha sokeeye ay u baaha yihiin in lagu dhayo arin iyo talo walaalnimo oo caqli ku salaysan, caadifadna ka fog.


Eeboow Boggeena Burcad Isku Mari… Aamiin.


 

Waxa qoray Wasiir hore Axmed Muumin Seed.


Loading...
Loading...