Wasiir Koore Oo Sheegay In Aan La Maagin Siyaasiyiinta Beeshiisa Ah.
Hargaysa (HWN) Wasiirka
Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusf Cali Koore ayaa qoraal uu soo saaray ku
sheegay in aan la maagin siyaasiyiinta ay isku beesha yihiin ee ay kukala duwan
yihiin fikirka.
"Kala duwanaashiyaha
fikirka siyaasiintu marnaba mihiim maaha inuu kala fogeeyo bulshada taasi oo
sababta nacayb iyo jeclaysi labada. Bulshada siyaaasadayda taageersan waxaan ku
boorinayaa mar kasta inay ilaaliyaan kala duwanaashiyaha oo aan la maagin
siyaasiyiinta ama masuuliyiinta aanu
isku deegaanka nahay se kala siyaasad ama xisbi duwanahay. Wanaagu wuxuu ku
jiraa inaanay siyaasi ammaantii noqon siyaasi caydii, wanaagga,walaaltinimada
iyo wax isku ahaanshiyahana laga tagin.
Markasta
taageerayaashayda waan la socdaa fikirkooda iyo garab istaagooda wax kasta oo
wanaagsanna waan ku taageerayaa.
Waad mahadsantihiin.
Allaa mahad leh.”
Wasiir Koore ayaa kamid
ah siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobolka Sool ee ku ganacsan siyaasada Somaliland
ee reer Laascanood ku eedeeyaan inay xasuuq ka gaysatay magaalo madaxda gobolka
Sool.