Qatar Oo Maanta Dhaarisay Ra'iisul Wasaare Cusub
Diblomaasiga ugu
sarreeya Qatar ayaa maanta loo dhaariyey ra’iisul wasaaraha dalka, isaga oo
beddelaya xubin kale oo ka tirsan qoyska dalka xukuma, kaasi oo xukunka hayey
tan iyo 2020, waxaa sidaas werisay warbaahinta dowladda.
Wakaaladda Wararka
Qatar ee QNA ayaa sheegtay in Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani loo
dhaariyey madaxda cusub ee dowladda, ayada oo aan bixin faah-faahin intaas
dheer.
Amiirka xukuma Qatar
Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa inta badan xilalka ugu sarreeya dowladda
kasoo magacaaba qoyska dalka xukuma. Si la mid ah dalalka kale ee Khaliijka
Carbeed, siyaasadda dalka ayaa ku kooban qoyska xukunka haya, waxaana yar
isbeddelada lagu wargeliyo shacabka.
Sheikh Mohammed oo ahaa
wasiirka arrimaha dibedda tan iyo 2016, ayaa ahaa wejiga Qatar xilli ay la
tacaaleysay saddex sano iyo bar oo ay xayiraado dhaqaale iyo qaadacaad ku
sameeyeen Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Bahrain iyo Masar, taasi oo
dhammaatay Janaayo 2021.
Waxa uu beddelayaa
Sheikh Khalid bin Khalifa bin Abdulaziz Al Thani, oo ahaa ra’iisul wasaare iyo
wasiirka arrimaha gudaha ee ka mas’uulka ah amniga gudaha, tan iyo 2020.
Waxaa sidoo kale xilka
wasiirka arrimaha ka beddelay Sheikh Khalifa bin Hamad bin Khalifa Al Thani oo
isna la dhaariyey maanta.
Xoghayaha Arrimaha
Dibedda Mareykanka, Antony Blinken ayaa soo dhoweeyey magacaabista Sheikh
Mohammed iyo isku shaandheynta golaha wasiirada ee dad cusub kusoo dartay
dowladda Qatar.
"Waxaan ka
mahad-celinayaa iskaashigeena soo jireenka ah,” ayuu Blinken kusoo qoray
twitter.
VOA