Ugu Yaraan Boqol Kun Oo Qof Oo Ka Qaxay Laascanood Ayaa Galay Itoobiya

0
Wednesday March 08, 2023 - 19:03:00 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 852
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ugu Yaraan Boqol Kun Oo Qof Oo Ka Qaxay Laascanood Ayaa Galay Itoobiya

    "Dad kale oo badan ayaa ka barakacay dagaal ka dhacay magaalada Laascaanood"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dad kale oo badan ayaa ka barakacay dagaal ka dhacay magaalada Laascaanood"



Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ilaa boqol kun oo qof ay bishii la soo dhaafay u qaxeen dalka Itoobiya, kuwaas oo ka soo qaxay Somaliland.

 

Dad kale oo badan ayaa ka barakacay dagaal ka dhacay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool oo ay ku dhinteen in ka badan laba boqol oo qof, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

 

Qaramada Midoobay ayaa intaas ku dartay in qaxootigan ay isugu tageen gobolka Doolo ee dalka Itoobiya oo ay ka jirto abaartii ugu darneyd muddo afartan sano ah.

 

Shaqaalaha hay'adda gargaarka ayaa muddo laba maalmood ah ay ku qaadataa inay gaaraan qaxootiga ay ku hoydaan dadkaan soo barakacay.

 

BBC


Loading...
Loading...