Maayar Mooge OO Digniin Udiray Shacabka Hargaysa

0
Wednesday March 08, 2023 - 16:08:30 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1926
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maayar Mooge OO Digniin Udiray Shacabka Hargaysa

    "isla markaana uu noqdo goob habeenkii dadku lugeeyaan"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"isla markaana uu noqdo goob habeenkii dadku lugeeyaan"

 


Hargaysa (HWN) Duqa caasimada Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge ayaa si aan gabasho lahayn u sheegay in dooxa weyn ee mara gudaha caasimada halkii xadka u ahayd   lagu soo celinayo, waxaanu fariin u diray dadka doonaya inay degsiimo cusub ka sameystaan dooxa hareerihiisa, waxaanu xusay in cagafta dawladda hoose iyo ta dadweynaha  oo iskaashanaya  in ay dooxa meeshiisi ku celin doonaan, isla markaana dooxa oo xadkiisi la geeya ay tahay sida kaliya ee lagu badbaadin karayo bulshada ku nool caasimada Hargeysa iyo in biyaha maraya aanay halis ku noqon.

 

Cabdikariim Axmed Mooge waxa uu intaas ku daray in ay laydh ku xidhayaan si habeenkii loogu caweeyo,  isla markaana uu noqdo goob habeenkii dadku lugeeyaan, laguna ciyaaro, waxaa uu tilmaamay in bulshada reer Hargeysa aanay fahmin qiimaha uu degaan ahaan u leeyahay Dooxu, quruxda iyo bilicda caasimaduna ay dooxa tahay.

 

Sidoo kale waxa uu bulshaweynta ku nool magaalada Hargeysa, ee u dhaw dooxa weyn ka codsaday  in ay Qashinka ka ilaaliyaan, isla markaana geeyaan goobaha loogu talo galay in lagu shubo, si hawl-wadeenada dawladda hoose uga qaadaan, waxaanu tilmaamay in dooxa ciidii ka guurtay kadib markii uu goob qashin qub isu baddelay.

 

Gaba’gabadii waxa uu sheegay in    Dooxu markii  uu balaadhnaa, gurina aanu qaadi jirin , waddadiisana ka baydhi jirin, balse markii ay biyihii waayeen meel ay maraan ay bulshadii halis geliyeen, waxaanu ka digay haddii aan laga waantoobin cidhiidhiga dooxa in uu guryo badan qaadi doono dad badana galaafan doono.


Loading...
Loading...