Xisbiga Waddani Oo Cambaareeyay Dabaal Deg Hargays Iyo Burco Ka Dhacay & Sababta.

0
Wednesday March 08, 2023 - 14:09:54 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2436
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Waddani Oo Cambaareeyay Dabaal Deg Hargays Iyo Burco Ka Dhacay & Sababta.

    "waa halkii ugu dambaysay maangaabnimada iyo damiir xumada."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"waa halkii ugu dambaysay maangaabnimada iyo damiir xumada."

 



 

Hargaysa (HWN) Xoghaya guud ee xisbiga WADDANI  Khadar Xuseen Cabdi ayaa ka hadlay dabaal degyo labadii habeen ee ugu dambeeyay ka dhacay Hargaysa iyo Burco, isagoo tilaamay in uu dabaal degyadaasi soo xasuusiyeen hadalkii Siyaad Barre ee tiiyoo Hargaysa iyo Burco gubanayaan lahaa ciyaarihii Gobolada ayay ka qayb gelayaan, sida uu xoghayuhu ku sheegay qoraalkan hoose.

 

" Xilli ay weli qoyan tahay xinjirtii iyo dhiigii shacabkeena Laascaanood, in aynu Hargeisa iyo Burco heeso iyo jaas isugu nimaadnaa waa halkii ugu dambaysay maangaabnimada iyo damiir xumada.

 

Waxaaban xasuustay Siyaad Barrihii, Hargeysa iyo Burco oo ololaya lahaa ciyaarihii kubbadda ee gobalada ayaa ay ka qaybgalayaan." Ayuu yidhi xoghaye Khadar.

 

Dabaal degyada ka dhacay Hargaysa iyo Burco ayaa ah kuwa sii fogaynaya xalka looraadin lahaa dagaalka Laascaanood, ilaa imikana xukuumada Muuse Kamay hadal dabal degyadaasi, taasi oo shacabka qaarkii sheegayaan inay iyadu soo abaabushay.


Loading...
Loading...