Caaqil Sheegay In Muuse Biixi Xasuuqii Laascanood Ka Dib Uu Bilaabay Dabaal Deg

0
Wednesday March 08, 2023 - 14:01:51 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1689
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caaqil Sheegay In Muuse Biixi Xasuuqii Laascanood Ka Dib Uu Bilaabay Dabaal Deg

    "Muuse Biix xasuuqii uu u geystay shacabkeena Laascanood, kadib wuxuu bilaabay dabaal degay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Muuse Biix xasuuqii uu u geystay shacabkeena Laascanood, kadib wuxuu bilaabay dabaal degay"

 

 


Hargaysa (HWN) Jiif Caaqil Cabdirashiid Cabdi Cilmi oo ka mid ah isimada Gobolka SOOL ayaa sheegay  in Muuse Biixi uu bilaabay dabaal degyo kadib markii uu xasuuqay shacabka SSC.

 

Hadalka Caaqilka ayaa daba socda dabaal degyo miisi kuladhanyahay oo labadii habeen ee ugu dambeeyay ka dhacay Magaalooyinka Burco iyo Hargaysa, kuwaasi oo shacab la isku keenay ay muusik ka shiteen badhtamaha magaalooyinkaasi

 

"Muuse Biix xasuuqii uu u geystay shacabkeena Laascanood,kadib wuxuu bilaabay dabaal degay iyo farxad, Burco iyo Hargeysa waad arkayseen sida loogu dabaal degayo dadkeenii la xasuuqay ee la barakiciyay, nin kasta oo Dhulbahante ah wuu garan karaa saaka ku xoog-xoogsiga iyo dabaaldeggaasi.."Jiif Caaqil Cabdirashiid Cabdi Cilmi oo ka mid ah isimada Sool.

 

Qaar kamid ah shacabka Somaliland ayaa talaabo qaldan ku tilmaamay isku sobaxyada miisiga wata ee kadhacay Burco iyo Hargaysa iyaga oo kudoodaya in wakhtigan loo baahanyahay xal lagu joojiyo colaada Laascanood laakiin aan loobaahnayn dabaal degyo la iskugu soo abuubulo shacabka


Loading...
Loading...