KULMIYE Oo Sikulul Uga Jawaabay Hadal Ka Soo Yeedhay Xisbiga Waddani

0
Wednesday March 08, 2023 - 09:39:26 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1742
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    KULMIYE Oo Sikulul Uga Jawaabay Hadal Ka Soo Yeedhay Xisbiga Waddani

    "Anaga oo og qayb ka mid ah warbaahintooda inay u direen goobaha ay Maleeshiyaadku Joogaan"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Anaga oo og qayb ka mid ah warbaahintooda inay u direen goobaha ay Maleeshiyaadku Joogaan"



 

Hargaysa (HWN) Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Cabdinasir Buuni ayaa jawaab ka bixiyay qoraal uu baahiyay Xoghayaha Xisbiga wadani kaasi oo uu kaga hadlayay isu soo baxa Dhalinyaradu caawa ka sameyeen magaalada Hargeysa.

 

Afhayeen Buuni ayaa yidhi "Qoraalka uu baahiyay Xoghayaha Xisbiga Wadani isla Markaana wax kaga sheegayo dhalinyarta qiimaha badan ee is-kooda isku abaabushay ee ku Jeeni-qaaran Calanka qaranka JSL iyaga oo taageeraya Ciidankooda difaacaya qaranimada Somaliland waxa ay ina tusinaysaa Siyaasadda  Xisbigaasi iyo sida uu ugu fooganyahay   kala qaybinta iyo u kala abtirinta shacabka Somaliland.

 

Dhalinyarada Somaliland hadayna qaadan Calanka qaranka Jamuuriyadda Somaliland khadaroow ma waxay qaadan lahaayeen Calanka soomaliya, ee aad shalay ku Amaanaysay kuwa qarankoodii khiyaamay.

 

Anaga oo og qayb ka mid ah warbaahintooda inay u direen goobaha ay Maleeshiyaadku Joogaan .

 

Waxa ayaan daro ah in Xisbiga Wadani Caadaystay wax ka sheegidda Ciidamada qaranka iyo midnimada shacabka JSL”.


Loading...
Loading...