Faras Laga Xaday Hoggaamiye Caan Ah Oo La Raadinayo

0
Wednesday March 08, 2023 - 09:17:10 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1115
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faras Laga Xaday Hoggaamiye Caan Ah Oo La Raadinayo

    "Maxaynu ka oran karnaa xuquuqda aadanaha ee reer galbeedka"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Maxaynu ka oran karnaa xuquuqda aadanaha ee reer galbeedka"



Booliiska dalka Jejniya ayaa raadinaya macluumaad ku saabsan faras ka mid ah ah kuwa oradada oo la xaday, isla markaana la sheegay in uu leeyahay madaxweynaha Jejniya Ramzan Kadyrov.

 

Faraskaan oo lagu magacaabo Zazu, waxaa la sheegayaa in qiimihiisu ku dhow yahay 20,000 oo doolar, waxaana la waayay Jimcahihii aan soo dhaafnay.

 

Zazu ayaa la sheegay inuu yahay mid ka mid ah fardaha Kadyrov ee weli ku sugan Jamhuuriyadda Jejniya.

 

Fardahan ayaa la saaray cunaqabatayn, kaddib markii Ruushku si sharci-darro ah uu Crimea ugala wareegay Ukraine sannadkii 2014-kii.

 

Ramzan Kadyrov ayaa xulafo dhow la ah Vladimir Putin, inkastoo uu dhawaan dhaleeceeyay hoggaanka militariga Ruushka sababa la xiriira dagaalka ka socda Ukraine.

 

Idaacad laga leeyahay dalka Jejniya ayaa sheegtay in fardaha hoggaamiyahan laga diiwaan galiyay naadiga Jockey.

 

Zazou ayaa lagu waayay beer ku taal Darhorse oo u dhow halka lagu magacaabo Roudnice nad Labem, oo 50 kiiloo mitir ka xigta waqooyiga caasimadda Prague, sida ay booliisku sheegeen.

 

War saxaafadeed ay soo saareen ayaa lagu sheegay in silsilad lagu xiray albaabada laga furay faraskana la kaxeeyay, iyadoo loo malaynayo in la marsiiyay waddooyin mugdi ah si loo qariyo.

 

Booliska ayaa ka codsaday dadweynaha wixii macluumaad ah ee ku saabsan halka uu ku sugan yahay faraska Zazou, in ay la soo socodsiiyaan. Da’da farkaan ayaa lagu sheegay 16-sano wuxuuna wajiga ku leeyahay xiddig cad.

 

Laba nin oo ku hadla afka Ruushka ayaa wararku sheegayaan in bishii Jannaayo ee sanadkii hore ay tageen beerta iyagoo damcay inay fardaha ka saaraan goob ay ku xiraanaayeen.

 

Milkiilaha beerta ayaa sheegay in labadan nin ay shan maalmood joogeen aagga beerta gaarahaan albaabka laga galo iyagoo watay gaari.

 

"Maxaynu ka oran karnaa xuquuqda aadanaha ee reer galbeedka, haddii ay si naxariis darro ah ugu xad-gudbaan xuquuqda fardaha, xayawaanka ugu nabdoon, ugu naxariista badan uguna jilicsan?" Mr Kadyrov ayaa fariintaas ku qoray boggiisa Facebook, sida u uku warramay wargeyska Moscow Times.

 

BBC


Loading...
Loading...