Dal Muslim Ah Oo Dumarkiisa Ay U Dabaaldegaan Furriinka

0
Wednesday March 08, 2023 - 09:11:49 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2050
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dal Muslim Ah Oo Dumarkiisa Ay U Dabaaldegaan Furriinka

    "Waxaa la i furay afar jeer, labo carruur ah ayaan dhalay, nolol farxad leh ayaan ku noolahay".

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaa la i furay afar jeer, labo carruur ah ayaan dhalay, nolol farxad leh ayaan ku noolahay".



 

Waxaa dhif ah in la arko in dumar badan oo ku nool caalamka inay sameeyaan dabaaldegyo ay ku xusayaan furriinka.

 

Si kastaba ha ahaatee, dalka Mauritania, oo ah waddan Muslim ah, ayaa dumarka la furay waxay qabsadaan xaflado ay ku maamuusayaan kadib furriinkooda.

 

Furriinka waxaa loo arkaa xalka ugu dambeeya ee sida ay qabto diinta, bulshooyinka qaar waxay furriinka u arkaan habaar.

 

Waa arrin iska caadi ah in dumarka Mauritania ay muujiiyaan furriinkooda.

Ragga Mauritania waxay soo dhoweeyaan in dumarka ay u dabaaldegaan nolosha cusub ee ay galaan kadib marka la furo.

 

Faadumo oo 29 jir ah oo ku nool dalkaas ayaa isku keentay saaxibbadeed si ay u muujiso furriinkeeda kadib markii ay kala tageen seygeeda.

 

"Waan ku faraxsanahay in aan bilaabo nolol cusub, dumarka ugu quruxda badan dalkeenna waa kuwa lasoo furay oo dib loo guursaday."

 

Waxaan rajeynayaa inaan helo qof iga farxin kara oo aan ka ahayn seygeygii hore," ayay tiri.

 

Faadumo waxay seygeedii hore wada joogeen muddo sanad iyo bar ah.

 

Dalka Mauritania, furriinka looma arko habaar waa arrin noqon karta mid kasoo horjeedda dhaqamada kale.

 

Haweeney kasta oo dalka ku nool waxay qorsheyn kartaa munaasabad si ay ugu dabaaldegto furiinkeeda, laakiin waa inay sugtaa saddex bilood ka dib furitaanka si ay u guursato.

 

Sida ay qabto shareecada Islaamka, waa in la hubiyaa in haweeneyda lasoo furay aysan wax uur laheyn.

 

"Furniinka waa wax ku badan dalkeenna, sidoo kale xafladdan ayaa ah mid lagu ogeysiinayo dadka doonaya inay guursadaan gabadha lasoo furay isla markaana ay tahay qof xor ah."

 

"Waxaa la i furay afar jeer, labo carruur ah ayaan dhalay, nolol farxad leh ayaan ku noolahay".

 

Gabdhaha mar rabaan inay isaga tagaan seygooda, laakiin mararka qaarkood, haddii ay jiraan dhibaatooyin badan oo dhanka guriga ah, furriinka waa xalka ugu fiican," ayay tiri Faadumo Mubarak saaxiibaddeed.

 

"Isbaheysiyada furriinka" ayaa ku baahsan dalka Mauritania, kuwaas oo in ka badan 80 boqolkiiba ka ah bulshada Mauritania.

 

"Sida ku cad caadooyinka dalka Mauritania, gabadha waxay go'aansan kartaa inay seygeeda iska furto haddii uu aflagaaddeeyo ama uu ku xad-gudbay sharciyada qaarkood sida inuu guursado.

 

Waxaa jira gabayo badan oo laga qoray arrintani tusaale ahaan sida, "Mid tagtay balse qof kasta uu jeclaaday", sida laga soo xigtay Mubarak Beyrok.

 

Inkastoo furriinka ay aad u qiimeeyaan ragga reer Mauritania, haddana qof walba kuma raacsana taas.

 

"Furniinka wuxuu noqon karaa hab dumarka ay uga aarsadaan ragga. Laakiin aniga kama mid ihi ragga jecel furiinka," ayay tiri mid ka mid ah gabdhaha ku nool Mauritania.

 

"Waxaa jira dad badan oo iibsada haweenka la furay oo ku nool Mauritania, sababtoo ah wax badan ma weydiistaan waxayna leeyihiin khibrad nololeed," ayuu yiri nin kale oo u dhashay Mauritania.

 

Waxaa laga yaabaa inay jiraan dad badan oo doonaya furiinka. Laakiin dhaqaale ahaan, waa inay kaligood taageeraan carruurtooda.

 

Taasna, qaar ka mid ah waxay u yimaadaan "suuqa furriinka" ee Nouakchott si ay uga iibiyaan waxyaabihii ay uga tageen raggoodii hore.

 

"Haweenka la dayacay waxay naga iibiyaan alaabtooda marka ay ku noqdaan guriga aabbahood, sababtoo ah waalidkood wax walba way haystaan, sidoo kale waxay u iibiyaan si ay carruurtooda uga bixiyaan kharashka waxbarashada, caafimaadka iyo dharka," ayay tiri Nana Axmed oo kamid ah ganacsatada Mauritania.

 

Furriinka wuxuu saameyn ku yeeshay nolosha qoysas badan oo ku nool Mauritania, laakiin dhaqankan waa mid kusii baahaya dalkaas.

 

BBC


Loading...
Loading...