Shidaalka Oo Somaliland Qaaliyoobay & Xukuumada Oo Hortaagan Maraakiib Sida Shidaal Jaban Oo Berbera Taagan
Hargaysa (HWN) Xoghayaha
Ganacsiga, Warshadaha & Dalxiiska ee Xisbiga Waddani Xamse Cabdiraxmaan
Khayre ayaa sheegay in maraakiib shidaal jaban uwada Somaliland ay xukuumada
Muuse Biixi ku hortaagantahay bada.
Waxaa badda Berbera
taagan laba markab oo sida shidaal u raran ganacsato reer Somaliland kuwaas oo
sida shidaal qiimaha aan ka jaban ku suuqa yaal ee ay keento shirkadda aan
heshiiiskeeda golaha wakiiladdu JSL ansixin ee TRIFAGURA. Shidaalkan ayaa
wasaaradda Ganacsiga u diiday in lagu shubo haamaha keydka ee dawladda iyo kuwa
gaarka loo leeyahayba. Sababta loo cuskaday diidmadan ayaa ah in xaddiga
maaddada SALFARTA ee ku jirtaa ay badan tahay 500 PPM oo heerka xukuumada u
dhigtay dalka balse ay ugu dananayso shirkado ay iyadu qayb ka tahay. Baadhista
shaybaadka shidaalkan oo aan mid ka mid ah aragnay ayaa heerka salfarta ku
jirtaa ka yar tahay 1000 PPM. Labada
markab oo mugga shidaalka ay sidaan isku noqonayo 7,800 Mt ayaa waxay kala
yihiin.
1. MT Jessica oo sita
calanka jasiirada Komoros oo lambarka tixraaciisu yahay IMO 9140853 / 620999046
Maraakaabtian ayaa
maalin kasta oo ay badda ku sii nagadaan dhiigbax dhaqaale ku ah ganacsatada
dalka. Dhanka kale, ummada reer Somaliland ee loo diidan yahay iney helaan
shidaal jaban ayaa waxa dhiiga ka jaqay shirkada xukuumadu wadato maalin kasta
oo maraakiibta shidaalka jaban sida badda lagu sii hayo.
Faro-gelinta iyo kootada loo xidho shaqsiyaad iyo shirkado
xukuumada iyo madaxtooyada SL ay wadato ayaa keenay dhibaatooyin waawayn oo soo
gaadhay ganacsiga xorta ahaa ee
Somaliland
kuwaas oo qaarkood ay
keeneen dagaalo sokeeye oo dalka ka qarxay oo ganacsato shalay shaqo abuurayaal
ahaa hada ay yihiin qaar dirays xidhan oo dagaal dhiig badani ku daatay ku
jira.
Xisbiga Waddani wuxuu
si adag u cambaaraynayaa bahalnimada iyo ma naxaanimada xukuumada hore ee
talada haysa waxaanu dadka ugu baaqayaa iney ka dhiidhiyaan siyaasadaha
cadawnimadu ka muuqato ee xukuumadii ay doorteen caadaystay xili ay ku jiraan
sicir-barar, abbaaro, iyo qax baahsan.
Allaa Mahad leh
Xamse Cabdiraxmaan
Khayre
Xoghayaha Ganacsiga,
Warshadaha & Dalxiiska