Xisbiga Kulmiye, Oo Ciyaar Ku Tilmaamay Dagaalka Laascanood

0
Tuesday March 07, 2023 - 16:42:54 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1967
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Kulmiye, Oo Ciyaar Ku Tilmaamay Dagaalka Laascanood

    "Khaliif waxa uu ahaa Odayga saddexaad ee Jamhuuriyada Somaliland"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Khaliif waxa uu ahaa Odayga saddexaad ee Jamhuuriyada Somaliland"

 

 


 

Hargaysa (HWN) Xoghayaha Guud ee xisbiga kulmiye ayaa ciyaar ku tilmaamay dagaalka khasaaraha badan ka gaystay magaalada Laascanood ee xarunta Gobolka Sool, sida uu ku sheegay qoraalkan hoose oo uu baahiyay.

 

"Anigu waxaan u arkaa in Gudoomiye Khaliif laba boglaynayo oo sida Gorayada ciyaarta ka socota Laasocaanood-na lug kula jiro, lugna banaanka dhigtay; iyadoo ay u baxayso heestii AHUN Cumar dhuule Cali, ‘labadaydii lugood, ayaa lakala laalee, Laasocaano Lugooyo waynaayeey!’. marka ay taasi ka dhamaatana waxa uu ku tuuranayaa, ‘Waa laba barbaaroo (Hargeysa & Laasacaanood), Badhtamaha habeenkii, Midba baal i jiiftee, Beerka jecliyee, Xaydha jecliyee’.

 

Khaliif waxa uu ahaa Odayga saddexaad ee Jamhuuriyada Somaliland, hase yeeshee intuu hadhcad soo fadhiistay ayaa halkii hiil laga sugaayay,

"Wuxuu sheeguu tiraabay,

Inuu qarankii Shuf beelay,

Inuu Shicibkiisii laayay,

Inuu Shalaw baas ka tuuray,

Wuxuu sheeguu tiraabay,

Inuu Sharaftiisii raacday,

Kuwii shawree maleegay,

Qaranka shirqoolkiisa gaystay,

Inuu la shiruu ba sheegay,

Sharkiyo waxay soo dhigeenba,

Inuu shax la dheeluu sheegay,

Inuu shifo yahay warkoodu,

Asagaa Shaaca nooga qaaday,

Hadalku waa sheegaa ma dhaafto”- FCM

Markay halkaas marayso Qarankii uu u dhaartay miyuu san khiyaamayn, miyuu san xaalku ahayn nin ku siray wax kuu sheeg!. Sidee loo odhan karaa ninkaasi waa inoo maqan yahay.

 

Bal u fiirso nacasyada warkooda iyo sida indho la’aanta ah ee qar iska tuurnimada ah ee ay u difaacayaan sxbkood ee ay uga dhigayaan xalay dhalay iyo nimaan dhaawac u geysan qarannimada. ‘Sakaaro xaar muuqda ayay aas aastaa’, soow maaha warkoodu."

 

WQ. Xoghayaha Guud ee xisbiga kulmiye..


Loading...
Loading...