"Waxaanu Aaminsanahay In Midnimadu Ay Tahay Xalka Kaliya" Madaxwaynaha Somaliya

0
Tuesday March 07, 2023 - 14:42:31 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1621
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waxaanu Aaminsanahay In Midnimadu Ay Tahay Xalka Kaliya" Madaxwaynaha Somaliya

    "Waxa aanu ka shaqaynaynaa sidii loo joojin lahaa marka hore dagaalka"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxa aanu ka shaqaynaynaa sidii loo joojin lahaa marka hore dagaalka"



Hargaysa (HWN) Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay doorka ay ku leeyihiin Xalka colaadda Laascaanood, isaga oo u warramay Telefishanka Afka Carabiga ku hadla ee Aljazeera.

 

"Waxa aanu ka shaqaynaynaa  sidii loo joojin lahaa marka hore dagaalka, ka dibna loo furi lahaa wada hadal. Waxaanu  aaminsanahay in midnimadu ay tahay xalka kaliya, laakiin ma doonayno in midnimadan loo maro hab rabshad leh, taas oo xaaladda uga sii daraysa" ayuu yidhi Madaxwaynuhu.

 

Dadka dhaliila madaxwaynaha Somaliya ayaa ku doodaya in aanay xukuumada Somaliya ka qaadan doorkii looga baahna dagaalka Laascanood.

 

Maalmihii ugu dambeeyay waxa degan xaalada Laascanood oo mudo bil kudhaw uu dagaal ka socday, dagaalkaasi oo sababay khasaare kala duwan oo baaxadleh.

 


Loading...
Loading...