Ujeedada Kulan Wasiir Maxamed Kaahin La Qaatay Ururada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland.
Hargeysa-(HWN),
Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa kulan Xafiiska
kula qaatay Ururada Bulshada Rayidka ah ee Jamhuuriyadda Somaliland (Civil
Society Organisations), kulankan oo ujeedadiisu ahayd is xogwaraysi xaalada
guud ee dalka iyo arrinta Magaalada Laascaanood.
Wasiirka Wasaaradda Arimaha
Gudaha JSL Maxamed Kaahin wuxuu warbixin dheer ka siiyey Ururada Bulshada
Rayidka ah nabadgelyada dalka iyo sida ay Xukuumadda uga go'antahay in
dhibaatada Magaalada Laascaanood ku dhamaato heshiin iyo hanaan nabadgelyo.
Dhinaca kale Ururada
Bulshada Rayidka ah ayaa dhinoocada Wasiirka warbixin ka siiyey aragtidooda ku
saabsan in laga wada shaqeeyo nabadgelyada iyo horuumarka dalka, iyagoo sheegay
in ay diyaar u yihiin wada shaqaynta joogtada ah ee Dawladda iyo Ururada
bulshada Rayidka ah, gaar ahaana Wasaaradaha ay wada shaqaynta leeyihiin ay ka
mid tahay Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL.
Kulankan ayaa ku soo
dhamaaday isfaham buuxa jyo in loo wada shaqeeyo si ka dhow sidii hore, iyadoo
Masuuliyiinta ka socday Ururada Bulshada Rayidka ah ay uga mahadneqeen Wasiirka
Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed warbixin buuxda ee uu siiyey
iyo kulan ay wada qaateenba.
Wasiirka Wasaaradda
Arimaha Gudaha JSL, waxaa kulankan ku wehelinayey Wasiirka Wasaaradda Hawlaha
Guud, Dhulka iyo Guryaynta Mustafe Cali Bile, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda
Arimaha Gudaha JSL Maxamed Yuusuf Ismaaciil iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan
Wasaaradda Arimaha Gudaha.
Cabdilaahi Axmed
Caarshe
Agaasimaha Warbaahinta
iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL.