Maxaa La Gudboon Reer Somaliland

0
Tuesday March 07, 2023 - 11:25:55 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1287
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Maxaa La Gudboon Reer Somaliland

    Qalinka: Maxamed Cabdi Jaamac (Maxamed Dhimbiil)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qalinka: Maxamed Cabdi Jaamac (Maxamed Dhimbiil)


Marka aynu ka warqabno dagaalka iyo colaadaha laga hurinayo magaalada Laas-caanood iyo Gobolka Sool,ee aynu ognahay in dawladaha jaararka oo dhan dad ka yimid u soo diyaar noqdeen dagaal lala galo jamhuuriyada Somaliland.


Marka aynu ka warqabno xaaladaha guud ee Gobolka Geeska Africa iyo culeyskii jamhuuriyada Somaliland ka saarnaa nabadgalyada dalkeega iyo guud ahaan ka mandaqada Geeska Africa oo isku xidhan.



Marka aynu ognahay dagaalka lagula jiro qoladii ka dagaalami jirtay koonfur iyo soomaaliya oo doonaya meel kale oo aanu ka jirin deganaansho iyo nabadgalyo si ay u fursad ugu noqoto.


Marka aynu dareenay colaadaha iyo dagaalka siyaasadeed ee lagu soo qaaday jamhuuriyada Somaliland iyo dadka walaalaha ah , wada dhashay , wax wada leh ee qarankani jamhuuriyada Somaliland.


Marka aynu ognahay waxii dhibaato iyo khasaare dhacay labadii bilood ee dagaalkaasi iyo xaaladaha Laas-caanood taagnaayeen waxa isweydiin leh maxaa inala gudboon inaga ?


Waxa aan u arkaa in wax waliba laga horeysiiyo in nabadgalyo lagu soo dhameeyo dhibaatooyinka ka taagan magaalada Laas-caanood oo u baahan xal iyo in nabada loo tanaasulo.


Waxa aan u arkaa in nabad lagu doono waxwalba oo la tabanayo sidoo kale masiirka iyo midnimada qaranka jamhuuriyada Somaliland la difaaco oo waxwalba laga horeysiiyo danta dalka iyo dadka jamhuuriyada Somaliland sida ay ku hirgalayso.


Ugu dambayn waxa aan u soo jeedinayaa in la joojiyo wax walba oo colaada sii hurinaya sida warbaahinta iyo baraha bulshada oo la iska isir iyo reernimo caayo.


In la isku bahaysto nidaam qabiilooyin iyo isir ku dirir oo ah wax dadka jamhuuriyada Somaliland qaybinaya , waayo qaranimada ayaa walaaleysay dadka jamhuuriyada Somaliland.


In aynu dib u dhigano wax walba oo dadka jamhuuriyada Somaliland isku qabaan gudahooga si aan aanay u wiiqmin midnimada ,wadajirka ,horumarka, nabada iyo wax wadalahaanshaha dadka jamhuuriyada Somaliland ku soo caano maaleen.


Maxamed Cabdi Jaamac (Maxamed Dhimbiil)

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...