Ragganimada Baarkeeda Ugu Sareeya Waxaa Weeye, Khalad Iyo Fashilka Kugu Yimaada In Aad Qaadato

0
Tuesday March 07, 2023 - 10:51:45 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1286
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ragganimada Baarkeeda Ugu Sareeya Waxaa Weeye, Khalad Iyo Fashilka Kugu Yimaada In Aad Qaadato

    Hadaynu humaageeni khiyaaliga ahaa ee hore inoo daarna

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hadaynu humaageeni khiyaaliga ahaa ee hore inoo daarna



Ragganimada baarkeeda ugu sareeya waxaa weeye, khalad iyo fashilka kugu yimaada in aad qaadato oo aanad sidii Neef la gawracay hadba cid isku qaadin. Waxaa khaldan, cida khaladay iyo siday u khaldantay intaba waynu ognahay ee dhibtu waxaa weeye runtaa inagu adag, mala awaalka ayaynu jecelnahay waa sababta shaqo loo qaban Waayay 30–sanno.



Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif Axmed maanta waa qofka kaliya ee Rer Sool ee wali Somaliland nabad iyo arrin kala xaajoon karto, hadaad garanayso cid kale oo hadhay adigu ii sheeg. Taasi waa runta markaynu abaarayno.


Hadaynu humaageeni khiyaaliga ahaa ee hore inoo daarna sii wadanayno, inoo daara cajaladii xaggeena ee Hargaysa ka baxaysay oo ah. "Cabdirisaaq Khaliif ayaa dhulbahante inagu diray, lacagbaanu u dhiibnay hadda waa 20,000$ oo uu ka xishooday Odaygii u dhiibay inuu ku celiyo,, oo WALL·E ALLE ah oo run ah raadi. Maxaa waalay Cabdirisaaq Khaliif kursi ayaanu siinay muxuu Huteelada Hargaysa casiirka ugu cabi waayay sida Wasiirada Kulmiye ee isaga waalay?


Hadda waa Ninka Tijaarka ah ee aan xoolaba u soo doonan siyaasadda ee u soo galay inuu Sool iyo Somaliland isku dayo inay wax wada yeelan karaan. Allow Nin aan wax ogayn ha cadaabin. Kuwo kale malaa Togdheer ayuu xagga hooyada ka soo jeedaayo waxaabay moodayeen Will Laandheerihii Rer Daahir ah. Kkk. Oo waxayba leeyihiin muxuusida Habar-love tii wacnayd ee Heesta Qaranka, Qaranka ku qiiroon jirtay uu u qiiroon waayay sidaa ayayba u cadhaysan yihiin. Marka mala awaalka la weheshado ee xaqiiqda la wajihiwaayo. "Halku Dayr wakhtigu dhigo, dibaa looga sheekayn.”.


Tusan.

Muniir Axmed Cigaal

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...