Soomaaliya Oo U Digtay Maraakiib Si Sharci-Darro Ah Ku Kalluumeysanaya
Wasaaradda
Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Bulugga ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay
ururisay caddeymo muujinaya in maraakiib laga leeyahay dalal shisheeye oo kala
duwan ay si sharci-darro ah uga kalluumeysanayaan biyaha Soomaaliya.
Wasaaradda ayaa
sheegtay in caddeymahaas ay muujinayaan in maraakiibtaas ay ka howlgalayeen
aagga dhaqaalaha badda ee EEZ tan iyo bishii Janaayo ee 2023.
"Haddaba Wasaaradda
Kallunmeysiga iyo Dhaqaalaha buluugga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
waxay caddeynaysaa in dhammaan maraakiibtaasi ay sharci darro kusoo galeen
biyaha Soomaaliya kuna kalluumaysanayeen, islamarkaana aysan jirin wax ruqsad
kalluumeysi ah oo ay ka haystaan Dowladda Federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu
yiri war-saxaafadeed ay wasaaradda soo saartay.
Qoraalka ayaa intaas ku
daray "Sid ku cad, qodobbada 11-aad, 12-aad, 13-aad ee Sharciga Kalluumeysiga
Soomaaliya, Bixinta ruqsadaha kalluumeysiga maraakiiibta qalaaad waa awood dastuuri
ah oo heer federaal ah, waxaana bixin kara oo kaliya wasiirka wasaaradda
Kalluumeysiga Dowladda Federaalka.”
Wasaaradda ayaa ugu
baaqday in dhammaan dalalka laga leeyahay maraakiibta ku jira biyaha Soomaaliya
inay deg deg ugala baxaan, soona celiyaan "hantida ay sida sharci darrada uga
qaateen” dalka haddii kale waxay tiri "waxaa lala tiigsan doonnaa sharciga.”