Ma Dhabaa In Uu Iscasilayo Gudoomiyaha Gobolka Gabilay Oo Ka Soo Jeeda SOOL?

0
Tuesday March 07, 2023 - 08:41:26 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2059
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Ma Dhabaa In Uu Iscasilayo Gudoomiyaha Gobolka Gabilay Oo Ka Soo Jeeda SOOL?

    "Ninku Innuu Kasii Mid Ahaaddo Nidaamka uu Katirsan Yahey Waxey Qeyb Ka Tahey …"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ninku Innuu Kasii Mid Ahaaddo Nidaamka uu Katirsan Yahey Waxey Qeyb Ka Tahey …"


Gabilay (HWN) Gudoomiyaha Gobolka Gabiley Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, ayaa Sheegay innuu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku Leeyahey Abaal islamarkaana, uu u hayo Ixtiraam iyo Qadarin Markey Sidaa taheyna aanney Marnaba Ka Suurtoobin innuu iska Cararo, ama uu Si dhibyar isku Casilo.

 

Kadib Markii Toddobaadyadii u Dambeeyay Marar badan Laga Been abuurey, iyaddoo la Sheegay, innuu iska Casiley Xilkii uu  hayey ee Maamulka Gobolka Gabiley, Waxa uu Gudoomiye Cabdiqani Jiidhe sheegay in aanney Waxba ka Jirin Wararkaa Been abuurka ah ee laga Faafiyey Waxaannu usoo jeediyay Kuwa Shaqada ka Dhigtey, in ay iska Nastaan oo Warar kale Raadsadaan.

 

"Ninku Innuu Kasii Mid Ahaaddo Nidaamka uu Katirsan Yahey Waxey Qeyb Ka Tahey Miisaankiisa Siyaasadeed, Anniguna Siyaasada Waan u Da’yarahey Mustaqbalkeyga iyo hankeyga" Ayuu yidhi Gudoomiyaha Gobolka Gabiley.

 

Waxaannu intaa Ku Darey hadalkiisa in uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi u hayo Abaal Weyn, Sidaa daraadeedna aannu Isagu Meelna usocon.

 

Cabdiqani Maxamuud jiidhe, Gudoomiyaha Gobolka Gabiley, Waxa uu Kusoo koobay hadalkiisa, in Duruuf Kasta oo Siyaasadeed ay Ku Dambeyn doonto Mid Laga heshiiyo.

 

Cabdiqani Jiidhe oo ah Nin dhalinyaro ah islamarkaana, kamid ah Dadka Kujira Siyaasada Wakhtigan ee aan Xaalad Abuurka aheyn una janjeedhsan Qunyar-socodka iyo Dublamaasiyada ayaa Geesta Kale Aaminsan in Mar Walba Somaliland Shacabka Reer Sool uga dhawdahey, Puntland iyo Soomaaliya.


Loading...
Loading...