"Ciidamada Qaranku Laascaanood Kuma Ay Duulin…" Xildh. Indho Indho.

0
Monday March 06, 2023 - 18:14:16 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3454
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    "Ciidamada Qaranku Laascaanood Kuma Ay Duulin…" Xildh. Indho Indho.

    "cida soo duushay waa garaaddada iyo waxay cagaha ku qaataan"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"cida soo duushay waa garaaddada iyo waxay cagaha ku qaataan"



Hargaysa (HWN) Xildhibaan indho indho oo ka tirsan golaha Guurtida Somaliland kana soo jeeda Gobolka SOOL ayaa sheegay in ciidamada Somaliland aanay ku duulin Laascanood, balse cida Laascanood ku duushay tahay garaadada dhulbahante.

 

"Ciidamada Qaranku Laascaanood kuma ay duulin  ee 2005tii bay tageen, rabitaanka shacbiga ayay ku tageen cida soo duushay waa garaaddada iyo waxay cagaha ku qaataan ujeedaduna waa Maraykanka yimid Berbera   iyo aqoonsiga Somaliland ee soo dhawaaday..” ayuu yidhi Xildhibaan Indho Indho.

 

Xildhibaan indho-indho ayaa kamid ah masuuliyiinta ka soo jeeda Gobolka Soo lee taageersan xukuumada Muuse Biixi, waxaanay shacabka reer Sool usoo jeediyaan in uu indhaha ka qarsanayo dhibaatada Somaliland ugaysanayso shacabkii Sool.


Loading...
Loading...