Gudoomiyihii Ururka WAABERI Ataash Oo Ka Fadhiistay Siyaasada Somaliland.

0
Monday March 06, 2023 - 14:49:58 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1422
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyihii Ururka WAABERI Ataash Oo Ka Fadhiistay Siyaasada Somaliland.

    "Waxaan dareemi karaa sida aanay dhamaantiin idiin farax gelin go,aan kayga"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaan dareemi karaa sida aanay dhamaantiin idiin farax gelin go,aan kayga"



Hargaysa (HWN) Gudoomiyihii urur siyaasadeedka Waabari Abdirisaq Ibrahim M. Ataash ayaa shaaciyay in uu ka fadhiistay siyaasada Somaliland isla markaana uu ku laabtay hawlihiisii ganacsi.

 

Gudoomiye Ataash ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu baahiyay oo uqornaa sidan;-

 

 

"Waxaan dhamaan ururka reer waaberi madax diisa iyo tageerayaashiisaba uga mahadnaqaya Hablo Iyo wiilalba sida gobanimada iyo sharafta leh ee aay wakhtigooda iyo maal-kooda ugu hureen in aanu wax ka bedelo siyaasada Dalka.

 

Waxaan si gaar ah ugu sii mahadnaqayaa hablaha iyo marwooyinka sharfan ee aanan weligay Ilaawi doonin is Garab tagoodii iyo geesinimadoodii. Allaah ha idin xafido.

 

Waqti iyo dhaqaale kasta oo inaga galay ururka Waaberi waa mid aynu rabnay in aynu wanaag iyo wada jir ugu samayno Dadkeena.

 

Waxaan dareemi karaa sida aanay dhamaantiin idiin farax gelin go,aan kayga ku saabsan ka fadhiisiga siyaadda ee aan maanta shaaciyey.

 

 

Waxaan hubaa sida aad iila fahmi kartaan xaalada cakiran ee lagu jiro maanta, ee aynaan waxba ka qaban Karin, lakiin aynu rabnay in aynu ka hor tagno in aanay dhicin.

 

Illaahay amni iyo imaan ha Ina siiyo.

Waxaan leeyahay Ilaahay Dadkeena ha waafajiyo wada jir iyo wada noolaansho iyo isaqbalaad Dhamaantood.

Hankaaga wayn bay himiladaadu wax Taraysaa ee dhamaan teen Eebe ha Ina waafajiyo.

Sharaf iyo cisi baan idiin hayaa Reer Waaberi.” Ayuu yidhi Abdirisaq Ibrahim M Ataash

 

Atasha ayaa ah masuulkii labaad ee ka soo jeeda Gobolka SOOL ee shaaciya in uu ka fadhiisto siyaasada Somaliland.

 

Hore waxa sidan oo kale ushaaciyay in uu siyaasada ka fadhiistay Siyaasi Xagle-toosiye oo ay isku deegaan ka soo jeedaan Ataash.

 


Loading...
Loading...