Itoobiya Oo Soo Dhexgashay Dagaalka Laascanood Iyo Garaadada Dhulbahante Oo Aqbalay Xabad Joojinta
Waxaa maanta deggan
xaaladda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, inkastoo saaka subixii hore
sida wararku sheegayaan la maqlay rasaas aan sidaa u badneyn, haddana jawiga
guud ee magaalada waa mid caadi ah.
Dhanka kale dowladda
Itoobiya ayaa dhexdhexaadin ka dhex billowday Soomaliland iyo odayaasha
dhaqanka ee deegaannada SSC, si loo soo afjaro coladda halkaa muddaba ka
taagan.
Wararka ayaa sheegaya
in wafdigan oo markii hore Hargeysa soo maray isla markaana la soo kulmay
madaxda Somaliland kalana soo hadlay sidii xabbad joojin loo sameyn lahaa ay
Garoowe gaareen, halkaa oo sidoo kale ay kula kulmeen qaar ka mid ah odayaasha
dhaqanka oo ka yimid magaalada Laascaanood.
Mas’uuliyiintan ka
socday Itoobiya, ayaa dhinacyadan kala hadlay in marka hore xabadda la joojiyo
si markaa kadib loo sii wada hadlo.
Afhyeenka guddiga 33-da
xubnood ah ee aayo-ka tashiga SSC, Cabdirisaaq Maxamed Xasan falaalug, ayaa
BBC-da u sheegay in ay aqbleen dhankooda in xabadda la joojiyo marka hore si
colaadda nabad loogu beddelo.
"Waxay soo jeediyeen in
xabbad-joojin la sameeyo, sida ay noo sheegeenna waxay isla soo qaateen Muuse
Biixi iyo maamulkiisa arrintaa,” ayuu yiri Cabdirisaaq Maxamed.
Odayaasha dhaqanka ee
deegaannada SSC ayaa ka ballan qaaday wafdiga ka socday dowladda Itoobiya in ay
dhankooda diyaar u yihiin dhaqan galinta qodobka lagu heshiiyay ee ah xabad
joojinta.
Wuxuu sheegay in madax
dhaqameedka Laascaanood ay muhiimadda siinayaan xabbad joojinta oo ay door
bidayaan sidii dadka ka barakacay magaalada ay dib ugu soo laaban lahaayeen
guryahooda.
Cabdirisaaq Maxamed
Xasan falaalug ayaa intaa raaciyay "Xabbad joojintu haddii ay dhaqan gasho wada
hadalka ayaa sahlanaanaya waana in la xisaabtamo”
Wuxuu rajo ka muujiyay
in dadaalladan ay horseedaan in la soo afjaro colaadda Laascaanood oo maalmihii
ay socotay sababtay dhimasho, dhaawac iyo barakc badan.
"Innagu dhanka yaga in
ay boqolkiiba boqol ka hirgasho nabaddu waan rajeynaynaa”
Inkastoo dhanka Somaliland
aan faah-faahin badan oo ku saabsan wafdiga Itoobiya laga haynin haddana
arrintaan ayaa u muuqata mid wax ka baddeli karta dagaalka Laascaanood haddii
ay dhaqan gasho xabbad joojinta loo jeediyay dhinacyadu in ay sameeyaan.
Horey Somaliland ayaa ugu
dhawaaqday xabbad joojin hal-dhinac ah balse taasi ma shaqeyn oo dagaalladu way
sii socdeen iyadoo dhinacyaduna isku jeedinayeen eedo ku saabsanaa jabinta
xabbad joojintaas.