somaliland ma codbaa lagu kala baxaa mise aqbalka ucid

0
Thursday June 20, 2019 - 19:16:41 in News by
  • Visits: 1563
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    somaliland ma codbaa lagu kala baxaa mise aqbalka ucid

    somaliland ma codbaa lagu kala baxaa mise aqbalka ucid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

somaliland ma codbaa lagu kala baxaa mise aqbalka ucid


Hargaysa(HWN)Xisbiyadda Somaliland ee ucid,kulmiye iyo waddani ayaa inta badan waxa ay isku qabtaan khilaafyadda masiiriga ah ee lagaga hadlayo xaaladda dalka,xisbiyadda kulmiye iyo waddani ayaa mid kastabaa waxa uu qataa go'aan uu xisbiga kale xadhiga ku adkaynayo.



Xisbiga Ucid ayaa taas badalkeeda waxa uu isagu kala dhex-galaa labadda xisbi waxa uu iskugu keenaa inta badan fadhiyo ay ku garnaqsanayaan,waxaana ay inta badan noqotaa in soo jeedinta xisbiga ucid la qaato kaas oo xisbiga kastaaba ku qanca.




Khilaafyadii u dambeeyay ee laysku qabtay doorashadda waxa uu ku taliyay xisbiga ucid si doorashadu u qabsoonto in gudida doorashooyinku wakhtigooda dhamaystaan isla markaasna gudida cusub lagu daro laba xubnood oo laga dhigo sagaal komishineer halka ay markii hore ka ahaayeen toddoba,waxaana ay xisbiyadda mucaaradku yeelan doonaan laba xubnood halka ay markii hore ka lahaayeen hal xubin.


Sadexda xisbi qaran Waa Hanti qaran marka laga eego haybada dul saaran balse marka aad ka istaagto haykalka hogaamineed wax badan ayaa ku soo baxaya oo far ay ku godan.


Aan u soo dhaadhaco dulucda maqaalka aan kor ku xardhay, sida marka la dhiganayo cilmiga sayniska gaar ahaan marka la maray electronada waxaad arki jirtay in ay jiraan.


3 qaybood oo uu maro qaabsameyska qululada dabku Waa + iyo - waxa jira mid dhex roora oo la yidhaah neutron .


Haddaba xisbiga ucid Waa neuron ka masraxa siyaasada xisbiyada soomaliland .dhexda ayuu ugu jiraa halkii uu u ciiro ama uu u liico ayaa badbaadaa guushana hanata, mida kale Inta ay jiraan xisbiyada kale Waa uu ka Cimri weyn yahay doorka u ciyaarana Waa in plus iyo minus kala badbaadiyo Oo ah in uu xisbiyadu isku muruxsan.


tusaale ahaan xiligii doorashadii udub iyo kulmiye. Xisbiga ucid ayay ku kala badbaadeen markii uu qirtay ama ogolaaday in si sax ah u dhacday, ayaa lagu kala tagay hadda oo doorasho la galay haddana ilaa xisbiga ucid ku dhawaaqay in laga badiyey oo tirinta codadku ahayd sax lama kala bixin.


Markastana halka uu raaco ayaa libinta hesha. Su'aashuse waxay tahay imika oo gudidii doorashada waddani saluugay, raacitaanka xisbiga ucid raacay kulmiye makala badbaadin doonta Xadhkaha danabeysan ee labada xisbiyee kale.


QALINKII QORAA. Hal abuur maxamed cabdiqaadir colhaye


Loading...
Loading...