Muuse Biixi Oo Lagu Khasbay in Ciidanka Uu Ka Saaro Sool

0
Sunday March 05, 2023 - 11:07:40 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 3435
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Lagu Khasbay in Ciidanka Uu Ka Saaro Sool

    Waxaanay tani noqonaysaa midhaha shacabka Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaanay tani noqonaysaa midhaha shacabka Somaliland


Hargaysa (HWN) Madaxwayne Muuse Biixi ayaa ogolaaday in ciidamadiisa ku sugan Gobolka Sool uu geeyo magaalada Oog oo hore garaadada beesha Dhulbahante udalbadeen in ciidanka Somaliland halkaasi lageeyo.


Muuse Biixi ayaa talaabadan uu ciidankiisa kaga Fogaynayo Laascaanood ku xidhay shuruuud ah in ciidanka Jabhada SSC ayna kadaba iman marka uu ciidankiisa qaado, isla markaana ay ku sugnaadaan deegaanada ay haatan ku suganyihiin.



Waxaana arinkan ka shaqaynaya oo gacanta ku hayo sida xogo ay shabakada Hadhwanaagnews helayso ay sheegayaan dawlada federaalka Itoobiya, oo garaadada kulan kula qaadanaysa magaalada Garoowe ee Puntland, halkaasi oo ay manta garaadada beesha dhulbahantana ay gaadheen.


Talaabadan ayaa ka dhigan in Somaliland faraha kala baxdo Gobolka Sool, oo hore Somaliland ay gacanta ugu haysay.


Waxaanay tani noqonaysaa midhaha shacabka Somaliland ay ka goosteen siyaasad xumida xukuumada Muuse Biixi ee dhagaha ka furaysatay baaqyada uga imanaya bulshada qaybaheeda kala duwan oo ay ugu horeeyaan ganacsatada iyo bahda dhaqanka Somaliland.


Muuse Biixi ayuu madaxwaynihii uu talada kala wareegay ee Axmed Siilaanyo uu kuwareejiyay dalk iyo dad mid ah, balse isagu hada waxa uu wareejin doonaa dad kala qaybsan iyo dal uu ka maqaanyahay Gobolka Sool oo qiimo balaadhan ulahaa Somaliland.


Isku soo wada duuboo Muuse Biixi ayaa siyaasadiisii aftaagu ku lamaanaa ay hada ku soo idlaanaysaa Gobol Sool oo maca salaameeyay Somaliland, iyo shacab tiro badan oo ku leeday dagaalka Laascanood kuwaasi oo iskugu jira shacab iyo sidoo kale ciidamada dagaalamayay oo Muuse Biixi lagu eedeeyay in uu leeyahay Masuuliyada dagaalkaasi.
Loading...
Loading...