"Inta Nool In Lootaliyo Ayaan Qabaa" Gud. C/risaaq Khaliif.

0
Sunday March 05, 2023 - 08:46:59 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2080
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    "Inta Nool In Lootaliyo Ayaan Qabaa" Gud. C/risaaq Khaliif.

    "baabuurtii magaalada ka baxday inta dad lagala dego la dilo"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"baabuurtii magaalada ka baxday inta dad lagala dego la dilo"

 



Hargaysa (HWN) Gudoomiyaha golaha wakilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ka hadlayay dagaalkii ka dhacay Laascaanood ayaa sheegay in aanu shakhsi ahaan karajo dhigin in wada hadal wax lagu raadiyo.

 

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa intaasi kudaray oo su’aal geliyay sida Muuse Biixi looga heli karo in lawada hadlo.

 

"Anigu ka gudoomiye ahaan markasta waxaan qabaa inaan nabada laga quusan si kastoo loo kala fogaaday , laakin waxaan su'aal galinaya tolow madaxweyne Muuse malaga heleyaa maandaamo isku dayo badan oo laysku dayay yadoo xaaladu intan ka qabaw , iyadoo naca iyo dhibaatada dhacday hadda korodhay , ee mararka qaarkood gaadhay in dadka shacabka goobahoodii shaqada jooga laga qaato la dilo sidii maayirkuba sheegay , baabuurtii magaalada ka baxday inta dad lagala dego la dilo  , yadoo naciina sii kordhay madaxweynihina wuxuu aragtidiisa ka badalay aynaan ogeyn suuro gal tolow ma ka tahay xagiisa ? 

 Balse waxaan isleeyahay marwalba inan la quusan oo inta nool loo taliyo ayaan qabaa " ayuu yidhi Cabdirisaaq Khaliif Axmed Gudoomiyaha golaha wakilada Somaliland.


Loading...
Loading...