Rejada Dib U Doorashada Erdogan Oo Xoogaysatay

0
Sunday March 05, 2023 - 08:33:59 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 768
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Rejada Dib U Doorashada Erdogan Oo Xoogaysatay

    "Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay mucaaradkiisa kuwo aan dhinac isu raaci Karin"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay mucaaradkiisa kuwo aan dhinac isu raaci Karin"



Mucaaradka Turkiga ayaa ku guuldaraystay in ay yeeshaan musharrax qura oo doorashada soo socota kula loolama Madaxweyne Rajab Tayib Erdogan.

 

Arrintan ayaa fursad wanaagsan u abuurtay hogaamiyahan mudada dheer u talinayay Turkiga, oo culays badan uu ka soo food saaray qaabka ay dowladdiisa u maaraysay dhulgariirkii dadka badan ku laayay dalkaas.

 

Hogaamiyayaasha lix xisbi siyaasadeed oo isbahaysi samaystay ayaa Khamiistii kulan xasaasi ah isugu tegay, si ay u shaaciyaan musharraxa ka hortagaya Erdogan, balse kulankaas ayaa ku soo idlaaday fashil.

 

Kemal Kilicdaroglu oo madax u ah xisbiga ugu weyn mucaaradka Turkiga, ee CHP ayaa doonaya in loo doorto musharraxa isbahaysiga, arrintaas oo laga diiday oo waxa la sheegay inuu mucaaradad xooggan kala kulmay xubnaha xisbiga kale ee IYI.

Kulankii Khamiista dhacay ayaa ahaa midkii 12-aad ee ay mucaaradka yeeshaan si ay isula meel dhigaan musharraxa la tartami doona Madaxweyne Erdogan.

 

Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay mucaaradkiisa kuwo aan dhinac isu raaci karin, isla markaana aan lagu aamini karin masiirka Turkiga.

 

Maalin ka hor inta aanay mucaaradku yeelan kulankii ugu dambeeyay, ayaa Erdogan waxa uu sheegay in doorashooyinka madaxtooyada iyo baarlamaanka ay dhici doonaan 14-ka May.

 

Markaa ka dib waxaa meesha ka baxay tuhun ahaa in doorashada ay dib u dhici doonto maadaama Turkiga ay soo wajahday musiibo ka dhalatay dhulgariiryadii is xigay ee ay ku dhinteen in ka badan 45 kun oo qof.

Doorashada May

Waxaa la saadaalinayaa in doorashada soo socota ay noqon doonto tii ugu adkeyd ee uu wajaho Erdogan oo hogaaminayay Turkiga muddo 20 sano ah.

 

Xukuumadda uu hoggaamiyo ayaa bilowday mashaariic ku kacaya balaayiin dollar oo dib loogu dhisayo magaalooyinkii ku burburay dhulgariirka.

 

Mucaaradka ayaa lagu dhaliilay in aanay soo bandhigin qorshayaal muhiim u ah dalka, si ay u soo jiitaan dadka aan weli go’aansan cidda ay u codeyn doonaan.

 

Sidoo kale waxa aanay mucaaradku ka faa’iideysan dhaliilaha loo jeedayay xukuumadda ee ku aaddan qaabka ay uga falcelisay dhulgariirradii dhacay.

 

Horraantii sanadkii tegay, mucaaradka ayaa kasbaday taageero badan, hadda se waxaa muuqata in taageeradaas ay u wareegtay dhanka Erdogan iyo xisbigiisa talada haya, sida ay sheegeen dadka ka faallooda siyaasadda Turkiga.

 

Erdogan oo awooddo ballaaran ku helay doorashadii 2018 ayaa ah siyaasiga ugu caansan Turkiga.

 

Hase yeeshee waxaa hoos u dhacday shacbiyadda xisbigiisa Cadaaladda iyo Horumarinta oo ay ka weecdeen dadka saboolka ah ee Turkida.

 

Dalkaas ayaa la taacalaya dhaqaalo xumo baahsan oo ka dhalatay sicir barar gaaray heerkii ugu sarreeyay muddo tobanaan sano ah. Waxaa uga sii daray dhulgariiryadii dhacay bishii hore.

 

BBC


Loading...
Loading...