Gud. C.risaaq Khaliif Oo Kulan La Yeeshay Shacabka Laascanood

0
Saturday March 04, 2023 - 17:57:24 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2373
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gud. C.risaaq Khaliif Oo Kulan La Yeeshay Shacabka Laascanood

    "Xukuumada Somaliland ayaa gudoomiyaha ku eedaysay in aanu daacad u ahayn Somaliland"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Xukuumada Somaliland ayaa gudoomiyaha ku eedaysay in aanu daacad u ahayn Somaliland"



Hargaysa (HWN) Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa  kulan kula yeeshay Magaalada Laascaanood Odayaasha iyo Waxgaradka mid ka mid ah beelaha Gobolka Sool.

 

Kulanka uu Guddoomiye Khaliif la yeeshay Waxgaradkan iyo Odayaashan, ayaa la xidhiidhay dedaallada nabadeynta ee Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu u joogo Laascaanood, waxaanay si guud uga wada hadleen xaaladda nabad gelyo ee Magaalada iyo sidii loo xoojin lahaa, nabadeynteeda la iskaga kaashan lahaa.

 

Xukuumada Somaliland ayaa gudoomiyaha ku eedaysay in aanu daacad u ahayn Somaliland ee uu la saftay beeshiisa.

 

Dhinaca kale Gudoomiye Cabdirisaaq Khaliif ayaa sheegay in Muuse Biixi uu xasuuq ka gaystay Laascaanood, dagaalka halkaasi ka dhacay uu masuuliyadeeda iska leeyahay Muuse Biixi.


Loading...
Loading...