Garaadada SSC Oo Garoowe Kulan Kula Qaatay Madaxwayne Ku-xigeenka Puntland.

0
Saturday March 04, 2023 - 15:29:12 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2605
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Garaadada SSC Oo Garoowe Kulan Kula Qaatay Madaxwayne Ku-xigeenka Puntland.

    "si gaar ah xasuuqa baahsan ee Soomaaliland ka wado magaalada Laascaanood"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"si gaar ah xasuuqa baahsan ee Soomaaliland ka wado magaalada Laascaanood"



Hargaysa (HWN) Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa maanta Garoowe kula kulmay qaar ka mid ah Isimada Dhaqanka SSC iyagoo ka wadahadlay dagaalka Sool.

 

"Waxaan maanta kulan la qaatay Isimada dhaqanka SSC oo aan  ka wada hadalnay xaalada guud ee deegaanada, si gaar ah xasuuqa baahsan ee Soomaaliland ka wado magaalada Laascaanood.” Ayuu Axmed Karaash.

 

Garaadadan oo bishii ugu dambeeysay fadhigoodu ahaa magaalada Laascanood ayaa ku eedeeyay ciidamada Somaliland inay xasuuq kawado Laascanood.

 

Welina Ciidanka Somaliland iyo ciidanka jabhada SSC ayaa isku horfadhiya waqooyiga magaalada Laascaanood oo saddexdii cisho ee ugu dambaysay aan wax dagaal ahi ka dhicin

 

Xukuumada Somaliland ayaa ku eedeysa maamulka Puntland inay ciidamadeedu qayb ka yihiin dagaalka Laascaanood, inkasto oo ay Puntland markasta beeniso warkaasi.

 


Loading...
Loading...